Munaasibad Loo Sameeyay 550 Arday Oo Ka Qalinjebiyay Dugsiyada Salaama

4
514

Picture3Hargeysa (Geeska) – Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa, ayaa shalay Xaflad loogu qabtay 550 arday oo ka qalin-jabiyey Machadka Salaama, kuwaasi oo dhamaystay Maadooyinka Ingiriisiga, Carabiga, Xisaabta, Koombuutarka iyo Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah.

Xafladan qalinjebinta oo sidoo kale abaalmarino la guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay dugsiyada hoose/dhexe iyo Sare ee Salaama, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, Maareeyaha komiishanka  Dhawrista Tayada Agabka Cali Maxamed (Biikolo), Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gaarka loo leeyahay ee Wasaarada Waxbarashada Muuse Maxamuud Shire, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Abiib Xasan (Filfil), Guddoomiyaha Jimciyadda Sooyaal Xasan Cabdi Muxumed, waalidiin, marti-sharaf iyo ardaydii tirada badnayd ee qalin-jebinaysay.

Maamulaha guud ee dugsiyada Salaama Jaamac Muuse Biixi, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey marxaladihii kala duwanaa ee iskuulku soo maray iyo weliba qalin jabinta ardayda Munaasibadda loo sameeyay “Waxaan halkan u fadhinaa laba xafladood oo aanu mataanaynay ama aanu is barkinay, waa ta koowaad waxa weeyaan furitaanka Dugsiyada nidaamiga ah ee Salaama Schools iyo Xaflad Qalin-jebin ah oo ay 550 Arday kaga qalin-jebinayaan Ingiriisiga, Carabiga, Xisaabta iyo Koombuutarka, keliya intaas kuma koobna Ardayda Qalin-jebinaysa oo waxaa noo wehelaya Arday ka qalin-jebiyey Soddonkii Jus ee Qur’aanka kariimka, runtii ka Salaama Schools ahaan iyo ka Macalimiin ahaanba aanu aad iyo aad ugu Faraxsanahay. Ardaydaa runtii Dugsiyada Nidaamiga ah iyo kuwa kaleba kuwii kaalmaha koowaad, labaad, saddexaad iyo Akhlaaqda u galayba waxaanu halkan ku guddoonsiin doonaa Jaa’isado, Ardayda Koorsooyinka dhamaysatayna Shahaadooyinkoodii ay mutaysteen ee ay muddada dheer u soo dedaalayeen ayaan guddoon siin doonaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya dugsiyada kala duwan ee Salaama iyo marxaladihii ay soo mareen iyo horumarinka uu ku talaabsaday “Dugsiga Salaama waxa uu ka kooban yihiin laba Primary iyo hal Dugsi sare iyo qaybta Computerka oo lagu barto ICT-ga ama Cilmiga casriga ah ee Tiknoolajiyada iyo qaybta luuqaadka lagu barto. Dugsiyada Salaama qaybta hoose/dhexe iyo qaybta Dugsiga sare waxaan raacnaa Manhajka iyo Siyaasada Wasaarada Waxbarashada Jamhuuriyada Somaliland ay u dajisay dalka, qaybta Dugsiga Hoose/Dhexe mid wuxuu ku baxaa luuqada Soomaaliga Manhajka Wasaarada Waxbarashada midna waa Dugsi cusub oo imika aanu sannad dugsiyeedkan farta ka qaadnay wuxuuna ku yaala Xaafada 150-ka waa Dugsi Wasaarada Waxbarashadu ay Xadhiga ka jartay furitaankiisi, waxaana uu ku baxayaa Manhajka Wasaarada oo Ingiriisi ah” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dugsiga sare ee Salaama runtii waxa weeyaan Dugsi waxyaalo baddan oo aanu ku tayayno oo aanu ku faani karo ayaanu Ardayda u samaynaa, ha u horayso Muraajicooyin oo Maadooyinka ay dhigtaan aanu dib ugu wada celino wax alaale wixii ku adkaada, waxaanu u samaynaa macalimiin iyagu gaar ah oo ardaydaa tababara. Dugsiga sare Salaama waxa uu leeyahay Shaybaadh (Laboratory) casri ah oo runtii sannadkan naga saaciday keenidiisa Hay’ada African Educational Trust, balse maal-gelintiisa uu Dugsigu lahaa, waxaana runtii odhan karnaa waa waxaanu ku faani karno. Waxaa kale oo Dugsigu leeyahay Maktabad buugta, kaas oo Ardayda sannadkan lagu furayo, waxaa kale oo uu Dugsigu leeyahay Mareeg (Website) ay ardayda iyo Waalidiintoodu ay kala socdaan imtixaanadooda oo dhan oo ay kala bixi karaana, kaas oo sahlaysa in waalidiintu ay ardaydooda talaabo talaabo ula socdaan”

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, waxaana uu amaan u soo jeediyay Maamulka iyo macalimiinta Salaama School, waxaana markaa ka dib shahaadooyinkoodii la guddoonsiiyey ardaydii xafladda loo sameeyay iyo kuwii kaleba.

Comments are closed.