Xarunta Maxamed Mooge Oo U Dabaaldegtay Sanad Guuradeedii Koowaad

1
652

Picture1Hargeysa(Geeska)-Xarunta kaydka hidaha dhaqanka akhriska iyo qoraalka ee Maxamed,ayaa u dabaal degtay sanad guuradeedii koowaad. iyada oo xaflad balaadhan dabaal degaas ugu qabatay goobtii lagu aasaasay oo ahayd hotel Hadhwanaag.

 

Xaruntan oo isku taagtay kaydinta iyo kobcinta dhaqanka iyo sida oo kale akhriska iyo qoraalka ayaa de’daalo badan ka gashay sidii ay ku samayn lahayd xarun kayd u noqota agabka hidaha iyo dhaqanka oo lagu kaydiyo. waxaanay mudadaas sanadka ah ku guulaysatay xaruntaasi,aasaasida naadiyo akhriska oo ay afar dugsi ka aasaaseen, iyo waliba qabashada kulano kala duwan oo laysku dhex galinaayo dhalinyarada aqoona laysku dhaafsanaayo.

Xaruntan ayaa abuurtay barnaamijka hal ka baro oo dhalinyaradu ku kala faa’idaysato,xiisado loogu deeqo dugsiyada si kor loogu qaado afka iyo suugaanta Soomaalida,sida oo kale si ay dhiiri galin dhanka akhriska ah u samayso waxay qabataa xaflado lagu soo bandhigaayo buugta ay qoraan dadka afka Soomaaliga ku hadla.

Xafladan dabaaldega ah waxa ka soo xaadiray wasiirka ciyaaraha,wasiiru dawlaha madaxtooyada,wasiir ku xigeenka war faafinta,agaasimaha  wasaarada ciyaaraha,abwaano,qorayaal,maamulayaal dugsi,dhilnyaro iyo marti sharaf tiro badan.

Ugu horayntii gudoomiyaha xaruntan Maxmaed Mooge Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Faarax,ayaa halkaas ka  soo jeedisay khudbad taabatay dareenada dadkii guubtaas ku sugnaa oo ay kaga warmaysay xaruntan wax qabadkeeda iyo waliba himilooyinkeeda. Waxaanay si cad u sheegtay in la maraayo xiligii loo istaagi lahaa afka Soomaaliga iyo hidahii uu lahaa si aan bulshadu u noqon mid ku kadsanta dhaqanada dunida kale.

Marwo Faadumo Siciid oo goobtaa ka hadshay ayaa soo jeedisay hadalo dhalinyaradan u ah dhiiri galin,waxaany xarunta  u balan qaaday dhaqaale ay iskaga bixiyaan kirada xaruntaas sadexda bilood ee soo socda iyo waliba xaflada sanadguurada sanadka danbe iyada oo ku cel celisay inay hiil isla garabtaagi doonto xarunta.

Sida oo kale wasiirka ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo xafladaas dabaaldega ah soo gunaanaday,ayaa dhalinyaradan u soo jeediyay hadalo dhiiri galin ah,waxaanu u balan qaaday xaruntan inay ka taageeri doonaan kirada mudo hal sano ah,isla markaasna ay qalabayn doonaan xaruntaas.

Comments are closed.