Xaaskiisa Oo Kalsooni Ku Qabtay Hal- Abuurkiisa Ayaa Sabab U Noqotay In Uu Guulaysto

0
805

Stephen King waa qoraa Maraykanka u dhashay oo caan ku ah qisaska maloawaalka ah ee soo bandhiga waxyaabaha awoodaha aadamaha ka baxsan, filimada cabsida ah ee dadka qaar ‘Khaakhda’ u yaqaannaan, iyo kuwa laga jolayo Xaaladaha ay ka mid yihiin ilnugaylka, dembiyada, khayaaliga cilmiga iyo maadda. Buugaagtiisa guud ahaan waxaa laga iibsaday in ka badan 350 milyan oo nuskhadood, qaar badan oo ka mid ahna waxaa laga dhigay filimo, barnaamijyo Talefishan iyo filimo taxaneyaal ah (Musalsallada).

Stephen King waxa uu qoray 67 buug iyo boqollaal qiso oo buugaag ururis ah lagu daray, waxa aanu ku guulaystay 9 billadood oo qaarkood caalami ama heer qaran yihiin. Magaciisa oo boqorka ah (King) awgeedna waxaa lagu naanaysaa, ‘Boqorka filimada cabsida ah / Khaakhda). Si kastaba ha ahaato ee Stephen King wax jira ma’uu ahaadeen magaciisana cidi dunida kama ay aqooni lahayn, haddii aanay sabab u noqon xaaskiisa Tabby. Afartan sano ka hor ayaa ay ahayd markii uu King qoray qisadiisii ugu horreeysay oo qabyo ah. laakiin markii uu dib u akhriyey qisadaas oo uu magaceedu ahaa ‘Carrie White’ waa ay u cuntami weyday, kaddibna waxa uu ku riday qashin-qubka gurigiisa.

Tabby aad iyo aad ayaa ay ugu kalsoonayd hal-abuurka odaygeeda, sidaas awgeed markii ay ogaatay in uu qisadii uu maalmaha badan qorayey uu qashinka ku daray , si dhaqso ah ayaa ay uga soo reebtay, “Ma’ aan awoodi karayn in aan laba toddobaad ama xitaa bil kale ku sii lumiyo hal abuurka qiso aanan jeclahsan ama  aanan awoodi doonin iibinteeda .. sidaas awgeed waa aan iska tuuray…” sidaas ayaa uu King buuggiisa xusuus qorka ku sheegay mar uu ka warramayey qisadaas uu qoraalkeeda ka niyadjabay.

Xaaskiisa ayaa waraaqahan uu daadiyey ee sheekadu ku qornayd u keentay, waxa aanay u sheegay in ay waajib tahay in uu dhammaystiro qisadan. Waxad ay ku adkaysatay in sheekadu ay aad u qurux badan tahay, sidaas awgeed aanu ka niyadjabin dhammaystirkeeda.

Dhowrkii bilood ee xigay Tabby waxa ay odaygeeda ku dhiirrigelisay in uu sii wado qisada iyada oo marar badan ka caawinaysay qaybaha ka warramaya gabadha jilaaga koowaad ka ah sheekada. Sagaal bilood kaddib sheekadan waa uu dhammaystiray.

Sida caadiga ah Qofku marka uu qisada qoro waxa uu ku wareejiyaa shirkadaha faafinta oo daabaca, King shirkadihii uu u geeyey oo 30 ahaa dhammaantood, 29 ka mid ah ayaa ka yabaalay in ay qisadan qaataan, iyaga oo ka shaki qaba in ay xiise u samayn doonto akhristayaasha. Shirkadda keliya ee ka ogolaatay in ay daabacdo waxa aanay Horumarin ahaan u sii siisay laba kun iyo shan boqol oo doolar oo keliya ($2500), laakiin xaaladda ay ku jireen awgeed waxa ay ahayd lacag ay aad ugu baahan yihiin oo ugu yaraan noloshii sariibadda iyo biilkii taleefannada ka bixisay.