“Dawladnimadeena Somaliland Cidna Uma Daba Fadhino, Cidna Ugama Amar Qaadano”

0
666

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalku halkay marayso, gaar ahaan Qaranimada, Doorashooyinka, tirada dadka iska diiwaangaliyey Gobolkiisa, Abaaraha ka jira deegaanada qaar, Xanuunka Covid_19, baaq nabadeedna u diray Beelaha walalaaha ah ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa xaqiiqo ah inaynu nahay dal jira, oo Qaranimadeena iyo Dalnimadeena, Dadnimadeena iyo Dawladnimadeena Somaliland cidna uma daba fadhino, cidna ugama amar qaadano ee inaga ayaa ah dal jira, oo madax banaan, oo waliba u qalma inuu aqoonsi buuxa ka helo Caalamka, sababtoo ah waxaynu gaadhnay heer aanay gaadhin Dalal la aqoonsan yahay, waxaana Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo guud ahaan Wadamada Caalamkaba waxaynu ku boorinaynaa inay ina siiyaan aqoonsiga inagaga xidhan, waxaana leenahay waxaa muhiim ah inaad nagu qiimaysaan waxaanu qabsanay, mana haboona inaad na daba wadaan Wadamo aanu hore u gala go’anay, oo markii horeba aanan isku wadan ahayn, ee aanu isku soo biiray, dibna u kala noqonay”.

Guddoomiyaha Gobolka Sool mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Waa guul aynu wada farxayno inaynu qabsanayno Doorashooyin isku sidkan, oo kala ah Doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka oo marar badan dib u dhacay, waxaana uga mahadnaqayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,oo ka badheedhay, isla markaana muujiyey daacadnimadiisa, iyo siduu u jecel yahay dalkiisa iyo dadkiisa, maadaama uu ku dhiiraday inuu Doorashooyinka qabto, waxaa kale oo Madaxweynuhu muujiyey inay Dawladdiisa daacad ka tahay qabsoomidda Doorashooyinka, runtiina Komishanka, Xisbiyada, Guurtida iyo Dadweynaha reer Somaliland qaabka ay ugu farxeen isla-markaana u soo wada dhaweeyeen inay Doorashooyinku dhacaan, waxay muujinaysaa isku duubnideena iyo inaynu Muxaafid iyo Muxaaridba danta qaranka mar walba u midaysan nahay, waxay kale oo ay muujinaysaa inuu dalkeena yahay dal dimuqraadiya oo leh bisayl siyaasadeed, halka dalalka qaar aanay ka jirin kala dabayn iyo isku tanaasul”.

Mar uu ka hadlayey tirada dadka iska diiwaangalisay Gobolka Sool ayuu yidhi “Runtii waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay dadaalkii ay muujiyeen Shacabka Gobolka Sool, dardaarankayagii hore ayeyna qaateen, inkasta oo ay jiraan Gobolo naga dad badan iyo Gobolo naga dad yar dhinaca diiwaangelinta, haddana Shacabka reer Sool, waxay muujiyeen ilbaxnimadooda iyo inay Doorashooyinka diyaar u yihiin, haddii Rabbi xukumana tirada dadka aan hadda Gobolka iska diiwaangelin, diiwanagelinta dambe ayey is diiwaangelinayaan….”

Dhanka kale, wuxuu ku baaqay inaad looga feejignaado xanuunka Covid_19, waxaanu soo jeediyey in aad la isku ilaaliyo, waxaanu guud ahaan Shacabka ugu baaqay inay qaataan tallooyinka iyo wacyigelinta ka dhanka ah xanuunkan.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa sidoo kale ALLE ka baryey inuu abaaraha inaga dulqaado, oo raxmaadkiisa oo khayr qaba inoogu bedelo, waxaanu si gaar ah baaq ugu diray Beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray Deeganka Shidan ee Gobolka Sanaag, waxaanu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, oo heshiis qaatan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office