Trump Oo Saddex Bilood Kaddib Hawada Soo Gelinaya Shabakad Baraha Xidhiidhka Bulshada Ah

0
777

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa dib ugu soo noqnaya baraha xidhiidhka bulshada, laakiin markan aan adeegsan doonin Twitter iyo Facebook sidii hore u jirtay. Sidaas waxaa talefishanka Fox News u sheegay afhayeenka Donald Trump.

Jason Miller, oo muddo dheer lataliye u ahaa Trump, xilligii ololaha doorashadii madaxtinimada ee 2020 kana ahaa afhayeenkiisa ayaa Fox news u sheegay in Trump uu ku soo noqonayo warbaahinta bulshada muddo laba ama saddex bilood gudaheed ah. isaga oo adeegsan doona shabakad xidhiidhka bulshada ah oo uu isagu iska leeyahay, qorshihiisuna yahay in ay soo jiidato tobannaan milyan oo dad cusub oo isticmaala ah. Shabakaddaas ayaa uu afhayeenku ku sheegay in ay wax ka beddeli doonto qaabka ay warbaahinta bulshada ahayd. “Qof kastaa waxa uu sugi la’ yahay in uu arko waxa uu soo kordhiyey madaxweyne Trump, laakiin tani waa masrax uu isagu leeyahay” ayaa uu yidhi. Isaga oo intaas ku daray in shabakadda cusubi ay noqon doonto mid aad u ballaadhan.

Dhawaaqan ayaa yimi xilli aan bilihii u dambeeyey Trump lagu arkin warbaahinta bulshada kaddib markii xilligii uu socday ololihii adkaa ee doorashada Maraykanku iyo guushii Biden kaddib ay shirkadaha caanka ah ee Twitter iyo Facebook ay mamnuuceen akoonnadiisa, iyaga oo ku eedaynaya in uu jebiyey xeerarka anshaxa isticmaala barahooda, iyo in uu xiisado iyo rabshado dhiirrigelinayo. Gaar ahaan intii ka dambaysay markii dad taageersan Trump ay xoog ku galeen aqalka baarlamaanka ee dalka Maraykanka.