Xaarwalwaal Isaga Oo Nool Laga Dhex Helay Qolfoofka Jirjirroole Liqay 48 Milyan Oo Sano Ka Hor

0
642

Berlin (Geeska)- Saynisyahanno ku xeeldheer cilmiga raad-raaca taariikhda noolaha (Paleontology) oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa helay qolfoofka jirjirroole isaga oo nool hal-qafay (Liqay) xaarwalwaal nool, laakiin dhintay isaga oo aanay weli calooshiisu ridqin xaarwalwaalkii.

Wakaaladda wararka DPI oo Jarmal ah ayaa arbacadii cilmibaadhayaasha Jimciyadda Snikberg ee dalka Jarmalka ka soo xigatay war ay ku sheegayaan in qolfoof mas ay raad-raacayeen oo ay ka heleen godka taariikheedka caanka ah ee Messel oo ku yaalla gobalka Hess ee badhtamaha dalka Jarmalka ay uur ku jirtiisa ka heleen jirjirroole sida muuqata uu maskani liqay, markii ay baadheen qolfoofka jirjirroolahaas oo dhererkiisu 20 Sentimitir ahaana ay isna uur ku jirtiisa ka sii heleen xaarwalwaal nool oo sida muuqata uu jirjirroolahani liqay, laakiin intii aanay calooshiisu burburin isagana maskani sii liqay. 

Warkan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa ay jimciyadda Snikberg ay ku sheegtay in dunida dhowr jeer ay ka dhacday xaaladdan oo kale, waxa aanay ku macneeyeen in xayawaannadan mid kasta oo ka mid ahi uu dhintay intii aanay calooshiisu shiidin xayawaankan kale ee uu liqay, waxa aana warbixintooda ka mid ahaa, “Calooshu si dhaqso ah ayaa ay u shiddaa wixii soo gala, laakiin maadaama oo jirjirroolahan laga helay caloosha maska uu xaalkiisu caadi yahay oo aaanu shiidmin, waxa aanu aaminsannahay in maska qudhiisu uu dhintay maalin ama laba maalmood kadib markii uu liqay jirjirroolaha ee kadibna uu hoos ugu dhaadhacay harada Messel oo sabab u noqotay in aanu jidhkiisu is beddelin” Sidaas waxaa yidhi Christer Smith oo ah cilmibaadhe ka tirsan jimciyaddan.

Kadib raad raac ay saynisyahannadani ku sameeyeen taariikhda hadhaadigan xayawaan ayaa ay ku ogaadeen in ay ahayd ku dhowaan 48 sano ka hor markii nolol ugu dambaysay maskan, ay ku gudo jiraan jirjirroolaha iyo xaarwalwaalka iyaguna isku sii gudo jira, taas oo ah calaamad muujinaysa in taariikhdaas ka hor uu jirjirrooluhu liqay xaarwalwaalkan, waxa aana mujicso ku noqotay in muddaas intaas le’eg uu xarwalwaalkani si caadi ah isaga dhex noolaa uur ku jirjirroolahan.