Shakhsiyadda Aadamuhu Waxa Ay U Qaybsantaa 4 Nooc, Waxaana Ugu Tiro Badan Nooca Xaasidnimadu Biyo Dhigtay

0
679

Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in dabeecad ahaan aadamuhu u qaybsamaan afar nooc, nooca ugu badanina uu yahay dadka shakhsiyaddooda xaasidnimadu ku badan tahay.

1

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo ay sameeyeen koox cilmibaadhayaal ah oo ka tirsan jaamacadaha, Charles III ee magaalada Madrid, Rovira I Virgili ee magaalada Barcelona iyo Zaragoz ee magaalada Zaragoza oo dhammaantood ah dalka Isbayn ayaa waxa ay tijaabo ka qaadeen 541 ruux oo dhammaan da’aha kala duwan ee dadka iyo dabaqadaha bulsho ee kala duwani ku jiraan, dadkan oo dhammaantood la hor dhigay, liiska mushkilado bulsho lagana codsaday in uu mid kastaa qoro warbixin ka hadlaysa waxa uu xaaladdaas oo kale ka yeeli lahaa. Warbixintii uu qof kastaa ka qoray ayaana loo eega qaabka uu u raacay xalka oo u qaybsan mid uu ka eegay uun dantiisa shakhsiga ah, danta guud, iskaashi dadka uu la sameeyey, kelidii oo uu xal raadiyey, iyo dadka oo uu loollan la galay.

Sida lagu faafiyey talefishanka City Tv ee dalka Kanada laga leeyahay, cilmibaadhayaashu iyaga oo tixraacaya hal-beegyadaas ay jawaabaha u dhigeen, adeegsanayana barnaamij Kombiyuutar oo jawaabaha lafa-guraya, waxa aana soo baxday in boqolkiiba 90 dadku yihiin afar nooc uun midkood:

Xaasid, oo weliba ah kan ugu tirada badan ee dadku boqolkiiba 30 yihiin, qof dhanka wanaagsan wax ka eega (Niyadsame) oo boqolkiiba 20 ah, dadka dhinac xun iyo baasaysigu ku badan yahay oo boqolkiiba 20 ah iyo dadka kalsoonida xad dhaafka ah naftooda ku qaba oo iyaguna boqolkiiba 20 ah, halka tobanka soo hadhayna yihiin dad nooca kale noqon kara ama aan si sax ah kombiyuutarku u fahmin jawaabaha ay bixiyeen.