Xaar Walwaal Afrika Ku Nool Oo La Doonayo In Laga Barto Xal U Helidda Biyo La’aanta, Abaaraha Dunida Ku Soo Badanaya

0
755

Washington (Geeska)- Saynisyahanno u kuurgalay hab-nololeeda nooc ka mid ah cayayaanka Xaar-walwaalka oo ku nool dhulka lama degaanka ah ee dalka Namibia ayaa ogaaday in cayayaankani uu samaystay hab yaab leh oo uu noloshiisa ku sii wadan karo deegaankan oomanaha ah isaga oo biyo ka soo dhex saaranaya hawada. Waxa kale oo ay Saynisyahannadu ogaadeen noocyo ka mid ah geedka Dacarta oo ka baxa dhulka lama degaanka ah ee dalka Chilli in ay sida Xaarwalwaalkaas oo kale iyaguna horumariyeen hannaan bayooloji oo ay hawada biyo kaga saaranayaan, balse farsamo ahaan ka duwan dariiqii bayooloji ee uu xaarwalwaalku maray.

Arrintan lama filaanka ah ayaa Saynisyahannada ku dhalisay fikir ah in ay isku daraan labada hannaan ee Xaarwalwaalkan oo ah nooca dhabarka soo rogan leh iyo geedka Dacarta iyaga oo ku daraya diirka sare ee nooc kale oo ka mid ah dhirta, halkaasna kala soo dhex baxaya ikhtiraac cusub oo ah, maaddo ay sheegeen in ay aadamaha u suurtogelin karto in ay u adeegsadaan in biyaha laga soo miiro hada caadiga ah ee innagu xeeran, arrintaas oo ay ku doodayaan in ay xakamayn karto dhibaatada biyo yaraanta ee dunida maanta ka jirta.

Khubaradu waxa ay sheegeen in cilmi ahaan la og yahay in biyuhu sidoodaba sameeyaan uumi bax kor u baxa oo hawada ku darsama, haddaba hawadaas biyuhu ku milmeen marka ay oogo isku siman ku dhacdo raad badan lagama dareemo, laakiin marka ay ku dhacdo oogo xoodan, sida qolafta dhabarka ee xaarwalwaalka waxaa dhacda in ay biyihii hawada la socday dib u soo ururaan, si biyaha oogadaa xoodan ku samaysmay looga nuugana waxa ay sheegeen in la isticmaalayo hannaanka dacarta iyo dhir kale maraan.

Saynisyahannada arrintan baadhay oo ka tirsan jaamacadda caanka ah ee Harvard ee dalka Maraykanka ayaa aaminsan in habkan Xaarwalwaalka iyo dacartu ay biyaha hawada kaga soo saartaan ay tahay tusaale fiiican oo aynu kaga dayan karno in aynu biyo helno innaga oo tamar iyo juhdi yar gelinnay. Waxa aanay sheegeen in inkasta oo biyahani u baahan yihiin farsamo lagu badiyo haddana ay noqon karaan hab lagu xalliyo dhibaatada dadka dunida maanta gaar ahaan Afrika ka haysata abaaraha joogtada ah.