Digniin Caafimaad: Iska Jir In Aad Ilmahaaga Xoog U Lusho Ama Kor U Tuur-Tuurto Si Aanu U Maskax Guurin

0
586

Washington (Geeska)- Inan afar jir ah oo u dhalatay gobolka South Carolina ee dalka Maaykanka ayaa ay dhakhaatiirta dalkaas ku guulaysteen in ay sabab u noqdaan badbaadada nolosheeda kadib markii ay ku sameeyeen dhowr qalniin oo madaxa ah, gooyeenna qayb maskaxdeeda ka mid ah. Inantan yar oo lagu magacaabo Cheyenne Rae ayaa markii ay 8 bilood oo keliya jirtay uu aabaheed James Davis Jr. oo 28 sano jir ahaa, mar uu doonayey in uu aamusiiyo uu kor u tuur-tuuray sida aalaaba waalidku ku sameeyo ilmaha yar ee ay maaweelinayaan, laakiin lulankii xoogganaa ayaa sababay in ay dillaacdo lafteeda madaxu, maskaxduna dhiig bax samayso.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo uu qoray wargeyska Daily Mail ayaa intaas ku daraya in inanta yar hooyadeed oo aad uga xun dhibta inanteeda ku dhacday ayaa boggeeda facebook ku sheegtay in saacad iyo badh keliya oo ay inanta aabaheed kaga tagtay si ay uga jawaabto talefan ay sabab u noqotay in ay is beddesho gebi ahaanba noloshii inantu. Laakiin Nasiib wanaag waxa ay xaaladdu soo dhowaatay markii aabuhu uu si dhaqso ah u xasuustay isuguna xidhay lulitaankii uu inantiisa ku maaweelinayey kadib markii ay aad ugu oyday hooyadeed iyo xaaladdan caafimaad darro ee ku soo boodday.

Muddo sannad ah ayaa Cheyenne tuumbo sanka kaga jirta lagu quudinayey, laakiin maanta xaalkeedu waa uu dhaamaa oo si caadi ah ayaa ay afka cuntada uga qaadanaysaa, una ciyaaraysaa in kasta oo weli socodka iyo hadalku ay ku adag yihiin, sidoo kale lugta iyo gacanta dhaqaajintooda ayaa aad ugu adag, maadaama oo la jaray maskaxda qaybtii bidixda ee hawshaas qaabbilsanayd. Waxase jirta rajo laga qabo in xaalkeedu sidan ka sii yara reeyo marka laba qaniin oo kale oo u dhiman lagu sameeyo.

Aabo James Davis ayaa maxkamadda arrimaha qoyska ee gobolkiisu ay ku xukuntay 10 sano oo xabsi ah, kadib markii ay ku heshay dembi ah in uu inantiisa yar sidii saxda ahayd u daryeeli waayey. Dhinca kalana Hooyadan ayaa hooyooyinka iyo guud ahaan dadka dunida oo dhan kula talisay in ay ka taxaddaraan tuur-tuurista carruurta iyo xarakaad kasta oo si uun madaxa ilmaha u lulaya, gaar ahaan marka ay carruurtu weli aad u yar tahay.