Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: Amiirad Diana Iyo Doodi Faayid- Riyadii Rumoobi Weyday

0
665

1Dad badan ayaa aaminsan in hadalladaas badheedhaha ah ee uu ku tiraabay Dooddi Fayed ee ay ka mid yihiin guurka uu doonayo in Diana ay qoys wada dhistaan ay sabab u ahayd in riyadoodaasi ay rumoobi weydo. Qoyska boqortooyada Ingiriisku xidhiidh noocan ah sooma uu dhoweynayn, waayo waxa uu keenayaa in cid aanay raalli ka ahayn ama isir ahaan aad uga fogi ay soo dhex gasho qoyska oo isirkiisa aad loo ilaaliyo, waayo waxaa dhacaysa in Amiir William oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Ingiriisku uu walaal la noqdo carruur isir ahaan ka soo jeedda Afrika iyo dal carbeed, oo Masar ah. Waxaa iyaguna arrinta sii dhabqiyey warar isa soo tarayey oo sheegayey in Amiirad Diana ay qorshaynaysay in guurka Dooddi Al-fayid kadib ay qaadato diinta Islaamka.

Waxaa iyaduna is weydiinteeda leh sababta keenta in illaa hadda oo ku dhowaad labaatan sano laga joogo dhimashada lammaanahan aanay haayadaha baadhitaanka ee dalalka Ingiriiska iyo Faransiisku si rasmi ah u caddayn ama kuba andacoonayaan in aanay helin xog ku xidhiidhsan sababta shilkii galaaftay Dooddi iyo Diana.

Xidhiidh jacayl oo aad u xoog badan kadib Diana iyo Dooddi waxa ay isla qaateen in ay si rasmi ah isu guursadaan, waxa aanu Dooddi arrintii u bandhigay aabihii Maxamed Al-fayid oo marka horeba la aaminsanaa in uu arrintan doonayey, ujeedada uu gurigiisa bilowgii Diana ugu casuumayna ay ahayd in wiilkiisa ay is bartaan, ayaa isna dhinaciisa arrintan farxad ku soo dhoweeyey. Dooddi waxa uu aabihiisa maalqabeenka weyn ah u sheegay in uu doonayo in isaga iyo Diana ay tagaan magaalada Paris ee dalka Faransiiska si ay meheradaha Dahabka ee caanka ah ee Paris uga soo iibsadaan fargalka meherka ee Diana uu Dooddi u gelin doono.

Maxamed Al-Feyid oo laga yaabo in uu u cabsi qabay wiilkiisa iyo Amiiradda ayaa u soo jeediyey in ay diyaaraddiisa gaarka ah kaxaystaan, laakiin Dooddi fikirkaas waa uu diiday waxa aanu xiisaynayey in ay safar dhulka ah ku tagaan Paris oo ay gaadhigiisa qaaliga ah ku dhex maraan shaaracyada Paris.

Saddexdii iyo Konton iyo Shan daqiiqo, oo ahayd arooryadii hore ee maalin Axad ah oo ay bisha Ogos ahayd 31 sannadkii 1997kii ayaa gaadhigii ay wada saarnaayeen Dooddi iyo Diana oo maraya jidka dhulka hoos mara uu galay shil illaa hadda sababtiisa aan la sheegin oo sahayday Diana iyo Dooddi iyo darawalkoodii oo ahaa Henri Paul, waxaana si xun ugu dhaawacmay Trevor Rees-Jones oo ahaa sarkaalkii ilaalinayey.

Baadhitaanno horudhac ah oo ay Faransiisku soo saareen ayaa ay ku sheegeen in gaadhigu xawaare aad u dheer ku socday oo uu ka baxsanayey sawirqaadayaal baacsanayey si ay sawir uga helaan lammaanahan, isla markaana uu darawalku aad u sakhraansanaa, laakiin warkaas baadhayaashu rasmi kama ay dhigin. Waxaana si adag u diiday dhinacyo badan oo uu ka mid yahay Dooddi aabihii Maxamed Al-Fayid. Dhammaad