Wasiirka Qorshaynta Oo Ka Hadlay Dacwad Ay Somaliland U Qortay Hay’adii Xogta Tirakoobka Shacabka U Gudbisay Muqdisho Iyo Aragtidiisa Khilaafyada Wadanka Ka Taagan

0
540

Picture6Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay tirikoobkii qiyaasta ahaa ee dhawaan laga sameeyey Somaliland ee Somaliya ku dhaawaqday, waxaanu sheegay in Hay’addii tirikoobka sameeysay, si aan sharciga waafaqsanayn xogtan u bixisay isla markaana aanay ilaa hadda wax raaligelin iyo jawaab ah bixin, waxaanu xusay inay jawaab ka sugayaan, ka dib markii ay qoraal rasmi ah u direen hay’adda UNFPA.

Wasiirka Qorsheynta Somaliland Sacad Cali Shire oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Wargeyska Geeska Afrika  ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafkii muddo kordhinta Xukuumadda ee dhawaan la soo afjaray.

Ugu horayn wasiirka oo la weydiiyay tirakoobka Somaliland ee Xamar lagu soo bandhigay iyo qaabka loo sameeyay wuxuu ydihi  “Mashruuc dadka lagu tirikoobayo ayuu ahaa, mar waxa la sameeya Madax ka taris, oo la madax taabto dadka Wadanka ku nool, Kaas maynu sameeynin, balse waxa aynu sameeynay min qiyaas, mid lagu qiyaasayo, markaas waxa ay ka sameeyeen Somaliland, Punrtland iyo Somaliyada kale, Saddex qeybood ayuu ahaa, inta badan mashaariicda Qaramada Midoobay was Saddexddaas qeybood, markaas inta inaga ina quseeya Somaliland inaga ayaa sameeysanay, Wasaaradda Qorsheynta ayaa la sameeysay, laakiin iyagu xagga farsamada ayey inaga caawiyeen, waana aynu wada sameeynay, Somaliland marka Saylac laga soo bilaabo, Dhahar ilaa Buhoodle, ilaa Laasqoray inaga ayaa sameeynay, markaas Daraasadii xagooda wey dhameeyeen, waxa aanu ku heshiinay inay inoo sameeyaan qoraal gaar ah, oo aan ku jirin ka Puntland iyo Somaliya, markaas wey inaga aqbaleen runtii oo wey sameeyeen, laakiin markii ay natiijadii soo saareen, Su’aalana waanu ka qabnay, waxayna noo taagnayd in meelaha u baahan dib u eegin in dib u eegis lagu sameeyo, inta aan la soo saarin, marka iyada oo ay halkaas noo maraysa ayey Maalintii dhawayd siiyeen xogtii oo dhan qolada Muqdisho, oo qolada Muqdhisho sheegatay, markaas runtii nalamay socodsiin maanana ogeyn, waxa ay ahayd in inta inaga inoo gaar ah inay si gaar ah u eegaan inta ay halkan yimaadan, marka aynu ka qaadano inta Tusaale ah, markaas anigu waa anigii Shirka Jara’iid kaga hadlay”.

Wasiirka Qorsheynta oo aanu wax ka weydiinay qorshaha uga yaal Hay’adda xogta u gudbisay Somaliya, ayaa ku jawaabay “Qoraal ayaanu u qornay Madaxdii Hay’adda, oo aanu leenahay arinkaas sida uu u dhacay waanu ka xun ahay, ee nagamaad talo gelin, meel waxayagii lagu sheeganayo ayaad ka qeyb gasheen xafladeedii, markaas wada shaqayteenii arinkaasi wax buu yeelaya, waxa aanu idina baahan ahay inaad na siisaan jawaab rasmiya, jawaabtii ayaana  wali ka sugaynaa, ilaa haddana kamaan arag raaligelin, kamayna soo jawaabin”.

Wasiirka Qorsheynta ayaa mar aanu waxa ka weydiinay Qaxoontiga Yemen ka soo qaxaya, kaalinta ay Wasaaraddiisu ka qaadatay, go’aanidii kala dambeeyey ee Xukuumaddu ka soo saaratay Qaxoontiga Somalida ah ee Yemen ka soo qaxay  iyo xidhiidhka Somaliland ee hay’adaha caalamiga ah ayaa ku jawaabay “Hay’addaha inaynu cilaaqaad wanaagsan la yeelano inaga ayey dani inoogu jirtaa, oo xitaa Shaqadan mala awaalka ah ee qoladani qabsatay, ee ay markii dambe Muqdisho u gudbay inaga ayey dani inoogu jirtaa, matalan ka soo qaad marka aad doonayso inaad Waxbarashada Qaranka inaad qorsheyso waa inaad taqaana Deegaanka sida loogu kala nool yahay, meel ay dadku ku badan yahayna in aanad Iskuulka ku yarayn, meel dadka ku yar yahayna  aanad Iskuulo badan u sameeynin, markaas Hay’addahan oo dhan inaynu si fiican ula shaqayno oo ilaaqad wanaagsan la yeelano inaga ayey dani inoogu jirtaa, mararka qaarkood waa la iska hor imanayaa, oo waa la is qabanayaa, inaga waajibkeenu waxa weeye wixii aynu xaq u leenahay inaynu u sheegno,kuna adkayno.

Madaxweynuhu waa kii Maalintii dhawayto hadlay,  yidhi sababta aanu Maalintii hore u nidhi qaabili mayno waxa ay ahayd baqdin aanu ka qabnay xagga Ammaanka, laakiin haddi aynu Somaliland nahay, Qaran ahaan kaalinta uu Caalamku ka filayo Wadan madax banaan, weynu ka soo baxaynaa, oo inaguba weynu qaxnay oo waa la inala qaabilay, Islaam iyo gaalba, markaas inaga Qaran ahaan wax walba oo Caalamku inaga filaayo ee ku saabsan xagga Bila’aadanimada weynu ka soo baxayna, xaqna weynu u leenahay inaynu nidhaahno na caawiyana, markaas inaga Siyaasadeenu waxa weeye inaga oo aan cunifi ku sameeynan Hay’addaha erayeynina, oo soo dhawaynaynana, haddana wixii aynu xaq u leenahay weynu u sheeganaynaa, markastaba”.

Sacad Cali Shire ayaa mar uu ka hadlaya sida ay Somaliland aqoonsi ku heli karto ayaa yidhi “Aqoonsiga talaabada ugu horeeysa ee loo baahan yahay waxa weeye, ugu horeyn in inagu wadan ahaan gudaheena sugno qaranimadeena, waa inaad xadkaaga sugto, waa inaad Maamulkaaga sugto, waa inaad Nabadgeliyaadada sugto, waa inaad adigu haykalkii Qaranimo la timaado, marka aynu intaas ka nimaadno anigu waxa aan qabaa inaynu kaga bilawno Wadamada jaarkeena, kuwa ay wax inaga dhexeeyaan iyo Wadamada waaweyn ee Dunida ka taliya, anigu waxa aan qabaa in jidkaas la maro, una diyaar-garowni sidII Qaran jira, oo aynu yeelano difaac adag iyo maamul adag, una dhaqano sidii Qaran,ka mid ah Bahda Caalamka,wax walbana waxa ay ku xidhan yihiin dadaalka”.

Sacad Cali Shire ayaa mar aanu waxa ka weydiinay shaqo la’aanta, Maceeshada sare u kacsan, qiimaha Sarifka, isticmaalka Lacagta Somaliland iyo Tahriibka ayaa yidhi “Arinta Shilinku waa arin aad iyo aad u muhiim ah, Shilinkeenu haddii uu qiimo dhaco, cida ugu horeeysa ee uu taabanayo waa dadkeena Saboolka ah iyo dadkeena Wadhatada iibiya Tamaandhada, ee Shilinka Somaliland lagaga iibsado, ama dadka Shicibka ee Dawladda u shaqaya ee Mushaharka u qaata Shilinka Somaliland, markaas inaynu ilaalino waa arin  waajib inagu ah, sababaha Shilinkeena halkaas geeye wey iska badan yihiin, balse waxa ka mid ah sababaha waxa aynu ka tagnay isticmaalka Shilinkeenii, oo Hudheel kasta oo aad tagto waxa uu ku odhanayaa waa Doolar, Dukaan kasta oo aad tagto waa Doolar, meel kasta oo aad tagto waa Doolar, dadkii waxa ay isticmalayaan Doolar, Shilinkiina wey ka guureen, markaas in Wadan kastaa Shilinkiisa isticmaalo weeye, maxa yeelay Shilinku waa astaantiisa, waa calankiisa, Muwaadin ahaana inaynu Shilinkeena isticmaalo weeye, taasna waxaynu kaga bilaabanayaa Ganacstadeena oo dhan inay Shilinka qaataan, codsi aynu ka codsayno Muwaadiniinteena oo dhan inay Shilinka qaataan, codis aynu ka codsanayno Zaad iyo Edahab inay Akoono Somaliland ah furaan, wey caqbaleen codsi aanu ka codsanayno Xaawaladaha inay dadka Lacagaha loo soo dirayo inay ku siiyaan Shilinka Somaliland boqolkiiba sodon( 30%), weyna aqbaleen, markaas dadkii ganacsatada ahaa ee arintani ku xidhnayd si fiican ayey u ajiibeen, waxa aan filayaa oo aan rajaynayaa in Shilinku sidiisi hore uu ku soo noqdo.

Tahriibka inta badan dhawr shay ayaa keena, mid waxa keena Dhalinyarada oo ka aaminka baxay inay Wadanka nolol ka sameeysan karaan, oo shaqooyin ka heli karaan, oo waa shaqo doonasho, Dhalinyarada qaar waa cilmi doonasho, Dhalinyarada qaar waxa soo jiita dhalanteed, oo kii tagay ayaa Facebook-ga soo dhigay isaga oo Gaadhi ku sawiran, ama isaga oo jooga meel aad u qurux badan, markaas Ilmihii yaraa uu hiikacayaa, laakiin imika Dhalinyaradii waxa ay xaqiiqsadeen in horta inta aanay halkaas gaadhin in khataro badani ka sukeeyaan, oo Nin la yidhaahdo Magafe ayaa qabsanaya oo xaraysanaya, markaas waxa ay xaqiiqsadeen in laacaha loo dhigaayo ee Facebook-ga laga soo saarayo inay dhibaatooyin badani ka sukeeyso, inta ka badbaadana ay yartahayba, waxa kale oo ay xaqiiqsadeen in Dhalinyaradii halkaas tagtay ay Iskuulo iyo Shaqooyin aanay sugayn, ee hawli sugayso, in Sharciga sidaas loo helin, oo uu tagayo meel aan laga aqoon oo aanu ku cibaadaysan karin, oo uu yahay Nin madaw, oo shaqo yar oo hoose mooye shaqo sare aanay u baanayn, waxaana loo baahan yahay inay Dhalinyarado ogaato inay halkan ku leeyiihin mustaqbal haddii ay ka doonaan”.

Wasiirka Qorsheynta oo aanu wax ka weydiinay sida uu arko go’aankii Saddexda Xisbi ka gaadheen muddo kordhintii ay Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda, dhaliishii Beesha Caalamka uga timid Xukuumadda iyo aragtida Shir gudoonka Guurtida ayaa ku jawaabay “Somaliland halkaas waxa ay ku soo gaadhay wada tashi, tanaasul,  is xaq dhawr, iyo wada jira, mar kasta oo ay dhibaato inagu dhacdana waa halka aynu kaga duwan ahay dalka kale ee aynu jaarka nahay, wax alaale waxa aynu inagu ku heshiinana haddii aynu reer Somaliland nahay cid kasta oo Caalamka ahina wey ku qasban tahay inay inala qaadato, Saddexdii Xisbina waa kuwii wax ku heshiiyey, Dawladduna ay ku taageertay, waxaana rajaynaynaa haddii ALLE idmo Guurtida sharcigeeda iyada oo la ilaalinayo,  maxaa yeelay Guurtidu waa kuwa aynu halkaas ku soo gaadhnay iyada oo aan la jabinaynin sharciga iyo nidaamka inay  iyana laftigoodu xalkaas inala  qaataan.”