Xaabsade Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Sababta Uu Somaliland Uga Tagay

0
779

Picture6Hargeysa(Geeska) –La taliyihii dhinaca Doorashooyinka ee Madxweynaha Somaliland  Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa  markii ugu horeeysay ka hadlay sababta uu ku tagay Maamulka Puntland, waxaanu  sheegay in sababta dhabta ah ee uu Somaliland uga tagay ay tahay in aanay isaga u baahnayn, ee ay Punland u baahan tahay.

Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa sidoo kale sheegay inuu gabi ahaanba ka fadhiistay Siyaasadii balse uu wax ka dhisi doono  Maamul Goboleedka Puntland oo uu xilal hore ka soo qabtay,  “wax dhib ah ma jiraan ee Mar haddaan Siyaasadda  ka fadhiistay, waxay Iila muuqatay maadaama aan Siyaasadda u leeyahay khibrad dheer inaan maamulka Puntland oo aan horena uga tirsanaan jiray wax ka dhiso oo Xogaa kala yara biiq-biiqday, in aan wax ka hagaajiyo oo aan wax la dhiso, hadhawna aan Jubbaland u sii dhaafo oo aan u ololeeyo dadkii aan ka dhashay”. Ayuu yidhi Mr. Xaabsade oo shalay u waramay idaacadda VOA. Axmed Cabdi Xaabsade oo la waydiiyay sida lagu aamini karo inuu siyaasadda ka fadhiistay maadaama uu Puntland la shaqaynayo waxa uu yidhi “ may-may waa la I Aamini karaa, waanuna kawada tashanay waanan ku heshiinay”

Xaabsade waxa kale oo la waydiiyay waxa ay hadda kaga duwan tahay wakhtiyadii hore ee uu Somaliland iyo Puntland iskaga dab qaadi jiray ayaa ku jawaabay “Waxay kaga gedisan tahay, Markii hore maamulkaanu isqabanay laakiin, maamulkii aanu isqabanay waanu ka heshiinay, haddana qoladaasi(Somaliland) waanay ii baahan oo meel la iiga baahan yahay ayaan tagay oo aan doonayo inaan maamulka u dhiso oo aan u hagaajiyo.”

Axmed Cabdi Xaabsade  ayaa la waydiiyay waxa uu ku soo kordhinayo faraqa u dhexeeya Somaliland, kooxda Khaatumo iyo Maamulka puntland “ Waxaan ku soo kordhinayaa, bal horta Khaatumo iyo Puntland inaan dhex galo oo aan heshiisiiyo oo dee labadaba aan ka tirsanahay oo aan ka dhashay, Ceebna ma ah ee waxaan doonayaa inaan si tolnimo ah u heshiisiiyo oo aan u dhex galo” ayuu yidhi. Axmed Cabdi Xaabsade  oo la waydiiyay in Xilalkii Muhiimka ahaa ee Somaliland loo dhiibay dad uu isku arkay inuu siyaasad ahaan ka muhiimsan yahay ka dibna uu cadhooday waxa uu ku jawaabay “mayee waxba maan cadhoon ee Siyaasadda waa la iska bedelaa, Kuraasta waa la iska bedelaa,markaa dhib ma laha, colaadna uma hayo, xumaana uma hayo oo waan ka fadhiistay”

Ugu dambeyn waxa la waydiiyay waxa uga meel yaala Laascaanood oo uu gacan ka gaystay inay Somaliland maamusho “Laascaanood Arinteeda waxaanu rabnaa inaanu Tolnimo iyo wanaag kaga wada hadalo oo Nimankaas aanu tolka nahay si wanaagsan oo hufan u wada heshiino wax uga wada qabsano, Saw maad maqal wada hadlaa wuu heshiiyaa, horta waanu wada hadlaynaa oo waxa fiican inaanu marka hore wada hadalo oo aanu wax meel isla dhigno.”