Labada Qodob Ee Lagu Xaliyay Khilaafkii Beelaha Walaalaha Ah Ku Dhex Maray Baliga Diiriye

0
1044

Picture4Burco(Geeska)-Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa  Go’aamo ka soo saartay xiisad mudooyinkii u danbeeyay ka aloosnayd  Baliga Diiriye Guuleed ee Waqooyiga Burco ,halkaasi oo ay laba Maleeshiyo beeleed isku horfadhiyeen..
Go’aamaddan oo Guriga martidda Burco Wasiiradani kaga dhawaaqeen ayaa waxa goob-joog ka ahaa Labada dhinac ee deegaankan isku hayay markii hore iyadoo Saxaafadda loo diiday in ay goob-joog ka noqoto isla markaana markii Jaajmanka la yeedhiyay ayaa waxa Qodobadan si cad ugu gacan saydhay Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka beelaha Arab Bari ee gobolka Togdheer. Maxamed Jaamac Abgaal Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo go’aamadaasi warfidiyeenadda u akhriyay ayaa yidhi“ Aniga iyo Afar Wasiir oo aan ka mid ahay oo Madaxweynaha Somaliland u xilsaaray xaaladii ka taagneyd Deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ee Waqooyiga Burco ,waanu soo gabogabaynay. Go’aamadiina waanu qaybinay ,Ilaahay Mahadii dadkii hawshaasi ka dhaxaysayna waa qaateen waana aqbaleen ,waxaananu meeshaasi ka soo saaray Xukun Dawli ah .

1) Waxaanu soo saaray in ilaa imika meeshaasi ahaato Diiriye Guuleed xoolo daaqsin , Magaalayntana laga daayo

.2) Qodobka labaad reerka Axmed Faarax ee la lahaa shaqaaqo ayay wadaana waanu ganaaxnay ,waxaanu ku ganaaxnay Lacag ,waayo cid u xilsaartay in ay beeli beel meel ka ilaaliso ma jirto,sababta u gaysay cid meel qodanaysa ee ay waliba Hub u qaataana waa danbi.

Deegaamada gobolada Bari ee la magaalaynayaana waxay ka mid ahaan jireen meelihii xoolaha Somaliland daaqi jireen markaa hawshaa xil adag ayaanu iska saaraynaa si wax looga qabto” Sidaasi ayuu Wasiirku hadlkiisa kaga baxay.