Wiil Yar Oo Wadne Lo’aad Lagu Kabay Wadnihiisa Oo Lahaa Daloollo Khatar Ku Hayey Noloshiisa

0
619

Picture7London (Geeska)- Dakhaatiirta dalka Ingiriiska ayaa ku guulaystay qalniin ay ku sameeyeen ilmo yar oo hal sano jir ahaa oo ay awdayeen daloollo wadnihiisu lahaa, iyaga oo adeegsanayey wadne lo’aad.

Wiilkan yar oo lagu magacaabo Ruben Weber Jackson ayaa qalniinkan kadib awood u yeeshay in uu si dabiici ah u neefsado, kadib markii ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen laba qalniin oo ay ku owdayeen daloolladan wadnihiisa ku yaallay oo ahaa kuwa khatar ku haya noloshiisa, maadaama oo ay ku keenayeen in uu awoodi kari waayo inuu neefsado.

Ruben markii uu dhashay waalidkii waxa uu u haystay in uu caafimaadkiisu dhamaystiran yahay, hooyadii Petra oo 29 sano jir ah ayaa sheegtay in wiilkeeda Ruben uu bilowgii dhalashadiisa ahaa qof aad u xasiloon oo aan haba yaraato ee daal iyo tacab ku keenin. Laakiin xaalku sidaa kuma uu waarin ee muddo laba toddobaad ah markii uu jiray Ruben ayaa uu is beddelay, waxaa la dareemay in uu neefsigu ku adag yahay, waxa aanu lagu arkay hurdo aad u badan oo uu hurdayo waqti ka badan inta dabiiciga ah ee ay hurdaan carruurta da’diisa ahi. Labadiisa indhoos ayaa ahaa kuwo aad u naaqus ah, midabka debnihiisuna waxa ay ahaayeen ama aad ugu dhowaayeen basali, arrimahaas oo markiiba ay dhakhaatiirtu u arkeen in ay sababtoodu tahay xaalad caafimaad oo khatar ku haysa nolosha ilmahan yar.

Baadhitaannadii la sameeyey waxa ay dhakhaatiirtu ku ogaadeen in Ruben wadnihiisu uu leeyahay laba dalool, isla markaana uu cidhiidhi yahay hal-bawlaha xidhiidhiya wadnaha iyo jidhka intiisa kale ee lagu magacaabo AORTA. Xaaladdaas oo keentay in ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in wiilkan yari uu u baahan yahay qalniin degdeg ah si noloshiisa loo badbaadiyo.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in daloolladan sida keliya ee ay wax uga qaban karaan ay tahay in lagu sameeyo laba qalniin oo mid lagu furayo, hal-bawlaha xidhan, kan kalana lagu kabayo daloolladaas, sida lagu kabayaana ay tahay in waslado yaryar laga soo jaro wadne lo’aad kadibna lagu buuxiyo daloolladaas. Arrintan oo markii hore dad badan ka yaabisay, qaar kalana u arkayeen mid aan suurtogal ahayn ayaa aakhirkii ay dhakhaatiirtu ku guulaysteen in uu wadnahaas lo’aad ee lagu kabay wadnihiisu uu si fiican ula shaqeeyo jidhkiisa, taas oo farxaddii ku soo celisay ilamaha yar waalidkii oo sannad guuradiisii koowaad farxad iyo caafimaad kula ciiday.