Dardaaranka Maanta Googooska Geeska

0
666

– Luqmaan Alxakiim: "Haddii ay dadku kugu faanaan hadal wanaaggooda, waxa aad ugu faantaa aamus wanaaggaaga"

– Napoleon: "Qofka aan sumcadda ku raadin wanaagga, xumaanta cid uga dhowi ma jirto"

– Qalbigaa qani laga noqdaa, Kibir la’aantu waa sharaf, Cabsida Alle-na waa furaha karaamada lagu kasbado.

– La fadhiiso dadka kaa waaweyn, Dhex gal dadka kaa xikmadda badan, Culimada oo keliyana wax weydii.

– Haddii aad qof wanaag u gasho iska jir inaad xasuusiso, haddii adiga uu qof wanaag kuu galana iska jir inaad illowdo.

– Haddii maalku kaa lumo, waxa kaa lumay shay qiimo badan, haddii sharaftu kaa luntana waxa kaa lumay shay aan maal goyn Karin, haddii rajadu kaa luntana waxa aad tahay caydh wax kasta seegay.

– Weligaa ha la murmin doqonka, waayo waxa laga yaabaa in dadka idin dhegeysanayaa idin kala garan waayaan.

– Nolosha waxa aad ugu noolaataa sida qof musaafir ah oo reer ku soo hoyday.

– Qof doonaya in uu ka tago raad fiicani, waxa uu dadka ula noolaataa:

1. Sida baahan oo iyaga isu dhul dhigaya.

2. Sida qof isku filan oo iyaga wax taraya.

3. Sida masuul iyaga difaacaya.

4. Sida dhakhtar u naxariisanaya.