Machadka Sidam Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Dufcadii 11-aad Ee Ka Qalan Jabisa

0
1302

Picture1Hargeysa (Geeska)-Machadka Sidam College ee xaruntiisi tahay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qalan jabiyey dufacadii 11-aad, iyada oo Ardayda ka qalan jabiyey ay ahaayeen 350 Arday oo bartay culuunta kala duwan ee uu Machadkani bixiyo.

Munaasibadii Shahaadooyinka lagu bixinaayey oo Shalay ka dhacday Green Plaza Hotel ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Agaasimaha Waxbarashada dadban ee Wasaaradda Waxbarashada Muuse Maxamed Shide, Sheekh Ismaaciil Dheeg,Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Machadka Sidam, waxa sidoo kale munaasibadan ka soo qayb galay Waalidiin iyo Marti sharaf.

Ugu horeyna waxa munaasibada ka hadlay Maamulaha Machadka Sidam Mukhtaar Maxamed Axmed, waxaanu ka war bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Machadkani, qaybaha kala duwan ee ay Ardaydu dhigtaan, halka ay hiigsanayaan, waxaanu dardaraan iyo dhiirigelin u soo jeediyey Ardayda, waxaanu ugu baaqay inay halkaas sii wadaan dadaalka, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Taariikhda Sidam College waxa ay ahayd mid ku bilaamatay tayada Waxbarashada sidii wax looga qaban lahaa, wax badan wey noo qabsoomeen waana ku dadaalaynaa, Sidam College waxa ay gaadhsiisan tahay ilaa heer Diploma, wali Degree maanu bixin waxa aanu ku dadaalaynaa in 11-sanno ee ay Sidam taagan tahay in aanu guul ka gaadhno, oo aanu la tartano Wadamada  caalamka ugu  horumarsan Waxbarashada, taas marka aanu ka guulaysano ayaanu u gudbiynaa heerka xiga ee Degreega ee Waxbarasho,  waxaana rajaynaynaa in aanu wax badan ka tari karno tayada Waxbarashada oo aanu wax badan ka qaban doono.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi Mukhtaar, “Sidam College waxa ay ka kooban tahay qaybo badan oo ay ka mid tahay qaybta Dugsiga hoose, oo wali ah mucjiso, oo Fasaladu wey kala qaybsan yihiin, Fasalada qaar loogu talagalay Caruurta qaarna dadka waaweyn, waxbarashada lagama weynaado, adiga oo weynaaday oo da’ kasta gaadhay ayaa fasalka kowaad lagaga soo bilaabaya, ilaa aad degree gaadho, ha niyad jabin, ha is dhihin waa laga tagay, waad noo iman kartaa haddii ILAAHAY yidhaahdo, guruubkii ugu horeeyey ee fasalka siddeedad soo gaadhay ayaa sannadkan qalan jabiyey”

Maamulaha Machadka Sidam Mukhtaar Maxamed Axmed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhinaca Luuqada Ingiriisiga iyo Saynisku ay markii hore ay dadku aad ugu liiteen, balse dhinaca Sayniska dadku ay imika aad u bartaan markii la furay Dugsiga SOS ee Sheekh, iyo Jaamacadaha Hargeysa  iyo Camuud, dhinaca Luuqada Ingiriisigana ay ka dhisayaan Ardayda.

Dhinaca kale waxa uu Maamulaha Sidam ka warbixiyey Daruusta kala duwan ee ay bixiyaan, waxa kale oo uu tilmaamay in Arday maqalka naafo ka ahi inay ka mid yihiin Ardayda qalan jabisay, isla markaana ku kala jiraan qaybaha kala duwan ee ay ka qalan jabiyeen.

Waxa iyana munaasibadaas ka hadlay Sheekh ismaciil Dheeg, Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Agaasimaha Waxbarashada dadban ee Wasaaradda Waxbarashada Muuse Maxamed Shide, waxaana dhamaantood ka hadleen qiimaha ay Waxbarashadu leedahay, waxa ay waano iyo dhiirigelin u soo jeediyeen Ardayda qalan jabisay, oo ay ku dhiirigeliyeen inay halkaas ka sii wadaan dadaalka iyo waxbarashada, waxaana ay aad ugu mahadnaqeen Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Sidam oo ay uga mahadnaqeen doorka iyo horumarka waxbarasho ee ay ka qayb qaateen”

Dhanka kale waxa iyana munaasibadaas Ardaydu ku soo bandhigeen qiimaha ay Waxbarashadu leedahay, dhibaatada iyo dib u dhaca uu Qaadku leeyahay, halka uu Abwaan Baarleex amaan ah uu u tiriyey Machadka Sidam.

Ugu dambayntiina Ardaydii ka qalan jabisay MachadkaSidam ayaa Shahoodiiyinkii la gudoonsiiyey, qaybaha kala duwan ee ay Ardaydu ka baxeena waxa ka mid ah Computerka oo Ardayda qaar ku baratay Carabi,  ICT-ga,Telecominiction Engineeriin,Maamulka, Xisaabaadka, Suuqgeynta, Luuqada Ingiriisiga iyo Xisaabta.