Wiil Yar Oo Shan Xabbo Oo Furin Ah Xaday Ayaa Maxkamadi Ku Xukuntay Hal Sano Oo Xabsi Ah

0
796

Picture8Qaahira (Geeska)- Wiil yar oo u dhashay dalka Masar ayaa shan xabbo oo roodhi ah ka xaday moofo kadib markii sida la sheegay uu gaajooday, laakiin ninkii moofada lahaa oo arkay wiilkan xadaya roodhidiisa ayaa markiiba wiilkii yaraa gacanta ka geliyey booliiska oo iyagun u gudbiyey maxkamadda. Garsoore maxkamadeed oo la hor geeyeyna waxa uu ku xukumay laba sano oo xadhig ah, laakiin markii uu hal sano dhammaystay ayaa uu ninkii moofada lahaa cafiyey, dalbadayna in dib xorriyaddiisa loogu soo celiyo.

Shabakadda Al-Carabiya oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay qisadan yaabka badan ayaa sheegay in khamiistii toddobaadkii ina dhaafay ay maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar gaadhay go’aan ay beri kaga dhigayso Cabdalmasiix Cizat Casiis oo ah 9 sano jir, isla markaana ay laashay xukun maxkamadeed hore ugu dhacay oo ahaa in muddo hal sano ah xabsi ahaan loogu hayo mid ka mid ah xarumaha lagu daryeelo ubadka ee magaalada Qaahira. Dacwadda wiilkan yar oo ahayd in uu shan xabbo oo roodhi ah ka xaday moofo ku taalla magaalada Qaahira, lana furay sannadkii 2013ka markii mulkiilaha moofadu uu dacwaddan keenay maxkamadda ayaa dib u bilaabatay markii qareenkiisu uu racfaan ka qaadday xukunkaas hore ee maxkamadda. Wiilkan yar oo mar dambe ka sheekeeyey tafaasiisha eedaha loo haysto ayaa sheegay in maalin ka mid ah bishii Noofambar ee 2012ka ay isaga iyo labadiisa saaxiib oo aad u gaajaysani ay tageen moofadan oo la deris ahayd gurigooda, kadibna ay ka xadeen shan xabbo oo roodhi ah, in kasta oo aanu filayn in la arkayey xatooyadan ay ku kaceen, waxaa naxdin ku noqotay markii maalmo yar kadib saldhigga bilayska ee xaafaddooda looga yeedhay waalidkii,  kadib markii ninkii moofada lahaa uu ka dacwooday. Si degdeg ah ayaa kiiskii loogu gudbiyey xeer ilaalinta oo iyaduna markiiba u gudbisay maxkamaddan xukuntay in wiilkan yar xabsi ahaan loogu xayo xarunta daryeelka ubadka aan waalidkood korsanayn.

Wiilka yar hooyadii ayaa iyaduna sheegtay in qoyska iyo dadkii jaarka la’ ahaa ay ergo ka galeen arrintan oo ay ninkii moofada lahaa ku qanciyeen in uu dacwaddan ka tanaasulo oo uu keeno qoraal ah in ay dibadda maxkamadda ku dhamaysanayaan, waana taas ta keentay in imika uu garsoorahani uu jebiyo xukunkii wiilkan ku dhacay.

Dadka deriska la’ahaa wiilkan yar iyo moofada ayaa si weyn u naqdiyey ninka moofada lahaa oo ay ku eedeeyeen in uu weyneeyey kiiska wiilkan yare e ka xaday shan xabbo oo furin ah oo qiimo ahaan u dhigma Shan Ginin oo lacagta dalkaas ah, markii uu ka dhego adaygay ergadii ay ugu tageen ayaanay go’aansadeen in xaafadda oo dhami aanay meheraddiisa waxba ka iibsan, laakiin aakhirkii waa uu soo tanaasulay. Qareenno iyaguna arrintan ka hadlay ayaa si weyn u naqdiyey xeer ilaalinta oo ay ku eedeeyeen in ay ku degdegtay in dacwaddan ay u gudbiso maxkamadda, maadaama oo ilmahan yari uu gaajaysnaa dembiga uu galayna aad u fududaa.