Lixdankii Marbaad Dahab Hesheen Ood Dulug Ka Tuurteene: W/Q: Aniis A. Essa

0
959

Picture1Sanadka Cusub  waxaanu  idinku soo Salaamaynaa carigu wuu kale  fog yahayoo, buuraha gaashaaman iyo badaaa inagu kala gudbane gudooma bush bush iyo barwaaqo.

Waa habeen cirku qurux aanu lahaan jirin uu la kowsaday oo xidigihii shiiqsanaa ay aad u ifayaan oo uu dayaxu in maqal soofkeed ah xagaayo ooga sare u hayaamay, waa tilmaan I cajab galisay tilmaantaa oo ka dhigan in daruuro wada roob aay u sii jeedaan xagaayo afrikada bari , taas oon Ilaahay ka baryaayo in ay roob u keenaan dadka reer somaliland ….aamiin….aamiin….aamiin.

Anagoo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan Washington dc iyo nawaaxigeeda, ahna muwaadiniin magac iyo maamuus ku leh Halgankii qadhaadhaa ee loo soo maray dalkan Somaliland waa halkgankii mujaahidiintii SNM, isla markaana ilaa maanta hiil iyo hooba la garab taagan dalka iyo dadka reer somaliland.

Waxa anaga iyo ummadda reer Somaliland ee Adduunweynaha ku kala nool walawal iyo walaac galisay Jahada uu maamulka Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Mujaahid Siilaanyo ay u hogaaminayaan Ummadda iyo Wadanka ay xilka u hayaan.   Wax aanu saluugnay daacadnimadoodii qaranimo, waxa isweydiin joogta ah noqotay Mujaahid Siilaanyo , qaar ka mid ah golayaasha guurtida , Qaar ka mid ah golayaasha wakiilada iyo qaar ka mid ah wasiirada Somaliland iyo dhamaan maamulka gabi ahaan ma yihiin dad rumaysan qadiyada iyo gooni-isu-taaga Jamhuuriyada Somaliland?.

Bal hadaba maamulyahow “Istaagaagu, jiritaankaagu, muuqashadaadu iyo nolosha jamhuuriyada Somaliland waa mid ay go’aankeeda goyeen shacbiga jamhuuriyadda Somaliland “.  Mana noqonkaro go’aankaasi mid guddi, ruux iyo madaxweyne midna bedelikaraan, amaba dood iyo dacwad ka furi karaan.  Cidkasta oo su’aal arrinkaas kasoo jeedisaana waxay jabinaysaa go’aankii Burco 27kii April ilaa 18kii May ee 1991, axdi qarameedkii Boorame 1993 iyo dastuurka ( qodobka Iaad, xubintiisa Iiaad) u yaala JSL.

Mujaahid Madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisa waxa loo xilsaaray inay; u adeegaan bulshad si loo daboolo baahida dhaqaale, waxbarasho,caafimaad, nabadgelyo.  Inay; aqoonsi u raadiyaan wadanka, saamaxaan abuuritaanks saxaafada madax banaan, inay maamulka wadanka wada gaadhsiiyaan IWM.  Taasoo laga filayay in maamulka Mujaahidku ugu tafaxaydato si hagarla’aan ah, lakiin lagama araakyo maamulkan .

Waxaan marnaba meesha qaban in maamulka Mujaahidku guud ahaan inay u diraan wufuud kala danbeysa oo waliba qaar kood ayay ku tagaan sir aan la garanayn dalka Somalia oo ah meesha laga baabiinaayo Somaliland, taas oo ah in ay furaan dood lagaga wada hadlo jiritaanka Somaliland , taas oo ku xad gudbaysa sharcigaa wadanka u yaale.

Waa in maamulka guud ee Somaliland ay gutaan waajibaadkoodi loo doortay waa in maamulku wadanku noqdaa mid fida oo wada gaadha dhamaan xuduudaha wadanka oo dhan, waa in dib loo soo dabaala xidhiidhkii fiicnaa ee Somaliland iyo Ethiopia u dhaxeeyey ee aan xoog la saarin dalkan inoo ah cadowga kowaad ee Somaliland  waa somalia

Waxaanu ku soo gunaanadeynaa in kastoo aynu ku jirno wakhti adag oo xaalada maanta dalka ka taagan ay keentay maamulkani,

Waxaan kula talin lahaa haddii ay in uun dan ka leeyihiin wadanka baaba’aaya dhamaan maamulka Mujaahidku in ay is casilaan, Wasiirada fartu u taagantahay ee Mujaahidkii waalay, waayo ma aragno in ay wax wadanka u tareen , baabi’in mooyaane ood muudo in ay tahay waxay ugu tala galeen koox yar oo maamulka Mujaahidka ah, inta kalana ay ka moodayaan daacad,.ee  LIXDANKII MARBAAD DAHAB HESHEEN OOD DALUG KA TUURTEEN.

Maamulka Mujaahid Madaxweyne Siilaanyo, shacbiga Somaliland wuxuu dawladyahay kaaga fadhiyaa dantii uu kuu dhiibtay, hadii aanad wadi kareyn please dadka ku soo celi, yaanay ku walin dad dan gaara wata adiguna danbi aanad gaysan ha galabsan ee daacad ka noqon .  Canaanta iyo Walaaca shacbiguna way sii siyaadaysaa marka Cadaadiska iyo Cabudhinta  dawladdu sii korodhoab.

 

ANIIS A. ESSA. HEAD

SOMALILAND ADVOCACY GROUP

WASHINGTON DC…..USA

aniis@yahoo.com