Wiil Uu Awoow U Yahay Maxamed Cali Kallay Ayaa Si Awoowgii Lagu Xasuustay Ugu Guulaystay Feedhka

0
1207

Nico Cali Walsh oo uu awoow u yahay horyaalka feedhka miisaanka culus ee adduunka Maxamed Cali Kalaay, ayaa ciyaartiisii weligii ugu xirfaddiisa feedhka waxa uu feedhkii koowaadba dhulka ku dhigay Jordan Weeks oo ay ka soo wada jeedaan dalka Maraykanka.

Nico oo 21 sano jir ah waxaa dhalay Robert Walsh iyo Rashiida Cali oo ah gabadh uu dhalay Maxamed Cali Kalaay, kaas oo bishii Lixaad ee sannadkan uun saxeexay heshiiskiisii ugu horreeyey ee feedhka, ciyaartan oo dhacday sabtidii toddobaadkanina ay ahayd tii ugu horreysay ee uu ka qaybgalo.

Nico wareeggii koowaad ee ciyaarta ayaa uu feedh dhulka ugu tuuray ninka ay wada ciyaarayeen oo ay ku kulmeen gobalka Oklohama ee dalka Maraykanka. Isaga oo ka dareen celinaya sumcadda uu daqiiqadaha yar gudahood ku kasbadayna waxa uu xusay awoowgii Maxamed Cali Kalaay oo loo yaqaannay mucjisada feedhka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Runtii waxa aan aad uga fikiraa awoowgay, aad baan ugu boholyoobay” waxa aanu ku tilmaamay feedhyahankii ugu weynaa ee illaa hadda taariikhda dunida soo maray.

Feedhyahankan da’da yar ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku socdo jidkii awoowgii, oo geeriyooday bishii Juun 2016 kii.