Meere Dahab Ah Oo Durba Aadame Badan Hunguri Ka Galay In Ay Ka Hadomaan

0
1254

Ma ogtahay in dunida guudkeeda dhibta ugu badan ee ka jirta ay tahay khayraadka oo aan si sax ah cadaalad loogu qaysan iyo dadka ladan oo sidii saxda ahayd aan dadka Saboolka ah wax ugu celin. Weli ma is weydiisay sida ay dunidu u ekaan lahayd haddii qof kasta oo ka mid ah dadka dunidu uu noqon lahaa Bilyanneer. Waa dhab in maskaxdaada ay ku soo dhacday in aanay taasi suurtagelayn, laakiin waa ay suurtageli lahayd haddii ay guulaysato hawlgal dhinaca hawada sare ah oo ay waddo hay’adda hawada sare Maraykanka u qaabilsan ee NASA.

WArgeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa dhowaan baahiyey war sheegaya in sannadka foodda innagu soo haya ee 2022 ka ay hay’adda NASA geli doonto hawlgal ay ku gaadhi doonto Meere-yare (Asteroid) lagu magacaabo ‘Psyche’.

NASA waxa ay sheegtay in Meere-yarahani oo  markii ugu horreysay la helay dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad, uu dhaco inta u dhexeysa tubaha meereyaasha Farraare (Mars) iyo Cirjeex (Jupiter). Arrinta xiisaha lihina waxa ay tahay in meerahani uu ka kooban yahayba macdan adke ah.

Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in meerahan ‘Psyche’ uu dahabka ka sokoow, xambaarsan yahay xaddi aad u weyn oo ah macdanaha, ‘Platinum, Iron iyo Nickel’. Xeeldheereyaasha oo lacag ahaan u beddelay qiimaha ay noqon karto lacagta lagu iibsado macdanta kala duwan ee meere-yaraha Psyche’ ku jiraa waxa ay ku qiyaaseen in ay gaadhayso 8 kun oo Kuwaadrilyoon (Quadrillion) oo lacagta Giniga Istaraliinka loo yaqaanno ee Ingiriiska ah. Halka Quadrillion waxa uu u dhigmaa Kun Tirilyan, sidaas awgeed lacagtani waxa ay noqonaysaa kun Tirilyan, lacagtaas oo marka doolar loo rogana ka badanaysa 11 Quadrillion.

Wakaaladda NASA waxa ay sheegtay in dayax-gacmeedka ay sahaminta Meere-yarahan u diri doonaan uu muddo 21 bilood ah ku soo dhammaystiri doono sawirka khariiradda meerahan, iyo in uu daraaseeyo 16 ka mid ah waxyaabaha uu gaarka la yahay, isaga oo adeegsanaya qalab sawir qaadiseed jihooyin kala duwan wax ka sawiraya.