“Somaliland-baa Xaq U Leh Maamulka Hawadeeda Iyo Dakhliga Ka Soo Baxa” Wasiir Hore

0
615

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar, oo ka mid ah Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in aanay Somaliland danaheeda cid kale u daba fadhiisan doonin, Maamulka Hawadana dakhliga ka soo baxa ay xaq u leedahay inay Somaliland hesho.

Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar, oo daba socday hadal uu Maareeyaha Maamulka Madaarrada Somaliland ku sheegay in Soomaaliya keligeed qaadato dhaqaalaha ka soo xerooda Diyaaradaha isticmaala Hawada dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa sheegay in Somaliland xaq u leedahay inay si gaar ah u Maamulato Hawadeeda iyo dhaqaalaha ka soo baxaba, waxaanu yidhi  “Somaliland iyadaa xaq u leh maamulka hawadeeda iyo waliba dakhliga ka soo baxa, mana aha inay cid kale iyo waddan kaleba u daba fadhiisto, dhab ahaana Maareeyaha Hay’adda Madaarrada Somaliland si fiican ayuu uga hadlay Maamulka Hawadeena iyo waxaa inala gudboon, ee Soomaaliya waxaanu leenahay haddii aynu mar isku biirnay, oo aynu haddana kala baxnay, waxaad noo daba socotaan waa khalad, ee waanu idinka tashanay ee naga hadha, oo dantiina dayacan wax ka qabta, maxaa yeelay maanta isku meeqaam ma joogno isku heerna ma taagnin, ee halka aanu ka gudubnay muddo aad u dheer ayaad maraysaan”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka Somaliland wuxuu yidhi “Soomaaliya waxaanu leenahay Doorashooyinka isku sidkan ee noo qabsoomay iyo qaabka wacan ee Shacabkayagu codkooda u dhiibteen waad aragtaan, sidoo kale heerka aanu ka gaadhnay Dimuqraadiyadda waad aragtaan, ee aynu ahaano laba dal oo jaar ah, oo wax wada qabsada oo qaranimadayada qira”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office