Whatsapp Oo Sameeyey Adeeg Gaar Ah Oo Saaxiibbada Aad Isugu Dhowi Ku Xidhiidhi Karaan

3
2067

Washington (Geeska)- Shirkadda WhatsApp ayaa soo saartay adeeg cusub oo ay ku ilaalinayso xogta gaarka ah ee u dhexeysa saaxiibbada aadka isugu dhow.

Warkan oo aynu ka soo xigannay shabakadda WhatsApp ayaa sheegaya in hadda farriimaha uu qofku helaa ay u kala horreyn doonaan sida ay saaxiibbadu isugu dhowyihiin, taas oo macnaheedu yahay in farriimaha kuu saaran WhatsApp ku ay u kala horreynayaan sida dadka soo dhigay ay kuugu kala dhow yihiin saaxiibtinimo ahaan. Habka uu WhatsApp ku garanayo isu dhowaanshiyaha saaxiibtinimadana waxaa ka caawinaay barnaamijkan cusub ee WhatsApp ku soo kordhiyey oo awood u leh in uu dib u daraaseeyo farriimaha aad qofka is weydaarsateen iyo tirada waqtiyada aad xidhiidheen, kaddibna uu halkaas ka qaato go’aan ah sida ay dadku kuugu kala dhowyihiin.

Waxa kale oo uu barnaamijkan cusub ee WhatsApp awood u leeyahay in dadka qaar uu u aqoonsado in aanu xidhiidh fiicani idinka dhexeyn ama in aanad jeclayn sidaa awgeedna uu liiska farriimaah kuu imanaya xagga dambe ka geliyo.

Dhinaca farriimaha codka ama fiidyowga ah marka aynu eegnana, marka uu barnaamijka cusub ee WhatsApp akhristo tirada farriimaha fiidyowga ah ee labada qof dhex marayaa in ay badan yihiin, waxa uu u aqoonsanayaa in saaxiibtinimo dhowi ay ka dhaxayso sidaa awgeed waxa uu bilaabayaa in wixii dambe ee farriimo ah uu xagga sare soo mariyo kuwa ka imanaya saaxiibka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here