Xildhibaan Wakiilada Ka Tirsan Aaminsan In Xukuumadu La Raagtay Miisaaniyadda

0
1117

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Miisaaniyad sannadkan, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu la raagtay, oo wakhtigii ku haboona inay Golaha hor keento in aanay hor keenin, waxaanu ugu baaqay  sida ugu dhakhsaha badan inay Golaha u hor keento, madaama uu xusay in Sanadku dhamaad ku dhaw yahay.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay muddo kordhinta la filayo in loo sameeyo Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, iyo mooshinkii socon waayey ee ay wadeen Xildhibaano ka tirsan Guurtidu, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay Miisaaniyadda “Miisaaniyadii hore Xukuumaddu taladda dalka wey ku cusubayd, oo qiil bay Xukuumaddu haysatay ay Miisaaniyadu dib ugu dhacdo, madaama dabayaqadii sannadkii hore Doorashadu dhacday, kala guur baana jiray, laakiin haddii Xukuumaddu miisaaniyadii sannadkii hore taladda dalka ku cusbayd, oo kala guurna jiray, gar bay ahayd inay dib u dhac ku yimaado Miisaaniyadda, balse hadda Miisaaniyadii dib u dhaca baa ku yimid, oo waxaa loo baahnaa inay mar horeba diyaariso, Golaha Barlamaankana u soo gudbiso, madaama uu sannadkii dhammaad ku dhaw yahay, imikana waxaan ugu baaqay Xukuumadda inay sida ugu dhakhsaha badan Miisaaniyadda noogu soo gudbiso, oo aanay dib u dhac dambe ku iman”

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Mooshinkii Guurtida ee buray ayaa yidhi “Waxaan  ku baaqayaa in aan la soo dhigin Golayaasha Mooshin sidan oo kale ah, aniguna waxaan u maleeynayaa in Mooshinkan laga dambeeyey, ee ciddii ka dambaysayba waxaan leenahay faraha ka qaada oo waxyaabahan oo kale mar dambe ha ku kicina, Xildhibaanada Wakiilada iyo Guuritda waxaan leeyahay yaan la idin adeegsan, cidna yaanay idin adeegsan, dano gaar ahna yaan la idiin adeegsan, waajibkeenana cidna yeynaan u daba fadhiisan”.

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta loo sameeynayo Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Marka hore haddii aan Madaxweynaha iyo saddexda Xisbi ka shirin, oo aanay go’aan ka gaadhin inta la kordhinayo, oo ay Madaxweynaha oo qudha ka timaado, Guurtida waxa u madax banaan inay waxay doonto soo qorto oo ay kordhiso, sababtoo ah iyadu waxay qisaasaysaa haddii ay wax is bedelaan iyo haddii ay wax dib u dhacaan, waa haddii se ay daacad ka yihiin, laakiin haddii dabada laga wado, cidda dabada ka riixaysa waxay ku tidhaahdo ayey ku dhaqmaysaa Guurtidu, waana siday u eegtahay inay dabada laga riixayo, laakiin Guurtida waxaa la quman in aanay ciddina dabada ka riixin, ee ay iyagu go’aankooda

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here