Aqoonyahan Iyo Mujaahidiin Cambaaraysay Xadhiga Chief Caaqil Kayse Bede Oo Xidhan

0
590

Hargaysa(Hargeysa):-Dhallinyarada, aqoonyahanka, haweenka iyo waxgaradka beelaha Arab, ayaa si kulul u canbaareeyay xadhiga ay ciidamada booliska Somaliland ay ku soo xidheen Cheif caaqil guud Mujaahid Kayse Badde Cabdi, oo dhawaan loo caleemo saarayay Suldaanka beelaha Abokor Axmed ee Arab, waxaanay sidoo kale hab-dhaqan meel ka dhac ah beesha iyo ku tilmaameen sifihii khaldanaa ee ay boolisku ugu soo daateen guriga Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi, oo ku sugnaa Cheif Caaqliku xilliga la soo xidhay, sidaana waxa ay ku sheegeen qoraal saxaafada loogu tallo-galay oo nuqul ka mid ah goor dhawayd la soo gaadhsiiyay xafiiska shabakadda wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, ee Hargeysa, kss oo u dhignaa sidatan.

''Anaga oo ka mid ah dhallinyarada, Mujaahidiinta, Aqoonyahanka iyo waxgaradka beesha Arab, waxa wax laga xumaado ah falkii ay ciidamada booliska Somaliland ay goor habeenimo ah oo saq dhexe ah ay ugu daateen guriga Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi, oo ka tirsan Salaadiinta beelaha Arab, ee ay kaga soo xidheen Cheif Caaqil Kayse Badde Cabdi, oo ka mid ah madax dhaqameedadda beelaha Arab, ahna Mujaahid muxtarim ah oo u caleemo saaran Suldaanka beelaha Abokor Axmed, sidaa daradeed, waxa aanu si weyn u uga soo hor jeednaa una canbaaraynaynaa xadhiga Cheif Caaqilka, oo aanu u aragno in uu guud ahaan lafo jab ku yahay beesha, isla markaana ay xukuumadda Somaliland ay ixtiraami weyday karaamadda iyo magaca beesha iyo magaca Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi.

Haddaba, waxaanu ugu baaqaynaa in ay xukuumaddu xaal ka bixiso habdhaqanka xadhigan, isla markaana in si dhakhso ah xoriyadiisii loogu soo celiyo Cheif Caaqilka,

oo la ixtiraamo magaca iyo maamuuska madax-dhaqameedku inga mudan yahiin''.

Magacyadda ku saxeexan baaqan

Aqoon-yahan Cali Daahir Guuleed,

Aqoon-yahan Cabdiqaadir Shucayb,

Aqoon-yahan Cabdiraxmaan Aarreeye,

Aqoon-yahan Axmed-nuur Rashiid Kayse,

Cabdiqaadir Xasan Aw Faarax (Dhacar),

 Mujaahid Jamaal Simane Cali, Iid Cabdi Sool,

Mujaahid Muuse Xuseen Muxumad,

Mujaahid Khadar Maxamed Adan,

 Maxamuud Cali Yuusuf,

Axmed Maxamed Daa'uud,

 Caasha Cali Nuur,

 Muna Adan Haybe,

Samsam Maxamuud Axmed,

Khadar Maxamed Xasan,

Cabdi Daahir Axmed,

Khadar Maxamed Xasan (Khadar Aleelo)