Weli Ma Is Weydiisay Waxa Uu U Taagan Yahay Xarafka ‘i’ Ee Ugu Horeeya Talefanka ‘iPhone’ Ee Shirkadda Apple?

0
1345

Talefannada iPhone ee ay soo saarto shirkadda Apple ayaa tan iyo markii ay soo baxeen sannadkii 2007 waxa ay si aad u baaxad weyn u qabsadeen guud ahaan suuqyada talefannada gacanta ee adduunka. Inkasta oo sicirka lagu iibiyaa uu aad u sarreeyo, haddana marba marka ka dambaysa suuqoodu waa uu sii kordhaa.

Magaca rasmiga ah ee talefankani uu caan ka noqday waa ‘iPhone’ laakiin dad yar ayaa is weydiiyey ama dadka badankoodu ma yaqaannaan waxa uu u taagan yahay xarafka astaanta ah ee ‘i’ ee ka horreeya ‘Phone’ iyo sababta xarafkaas loogu qoray farta yaryar. Markii ugu horreysay ee ay shirkadda Apple isticmaashay xarafka ‘i’ waxa ay ahayd markii ay soo saartay kombiyuutarrada ‘iMac’ oo soo baxay sannadkii 1998 kii. Xilligaas shirkaddu xarafkan waxa ka soo qaadatay ‘Internet’ maadaama oo uu kombiyuutarkeedani ahaa kii ugu horreeyey waxsoosaarkeeda ee internet ka lagu xidhiidhin karayo.

Marka ay sidaas tahay xarafka ‘i’ waxa uu u taagan yahay Internet ka, talefanka magaca looga dhigayna waxaa looga jeedaa in uu yahay talefan ku xidhiidhsamaya Internet ka, tasa oo waqtigaas ku cusbayd dunida taleefannada gacanta.

Steve Jobs, aasaasihii iyo agaasimihii hore ee shirkadda Apple ayaa mar uu ka hadlay waxa uu u taagan yahay xarafka ‘i’ ee la socda iPhone iyo iMac waxa uu sheegay in ‘Internet’ uu ka mid yahay waxyaabahaas. Mar kale oo uu Steve Jobs jeedinayey bandhig weyn oo a yshirkaddiisu samaysayna waxa uu sheegay shan erey oo afingiriisi ah oo ay ‘i’ u taagan tahay, kuwaas oo ah Internet, Individual, Instruct, Inform iyo Inspire”.

Paul Bischoff oo ka tirsan shabakadda ‘Comparitech’ ee ka faalloota Arrimaha Teknoolajiyadda ayaa sheegay in xarafkan ujeedadiisii koowaad ee shirkaddu u isticmaashay uu ahaa in ‘Internet’ ka lagu isticmaali karo, taas oo markaas ahayd wixii ugu weynaa ee suuqgeynta ugu weyn loogu samayney maadaama oo xiisaha isticmaalka internet ku xilligaas aad u soo shaacbaxay. Si kastaba ha ahaato ee Paul Bischoff waxa uu ku dooday in markaas koowaad ee Internet looga jeeday wixii ka dambeeyey ay shirkaddu xarafkan ka dhigatay ujeeddo badan ay hadba sida ay danteeda suuqgeynta u aragto u fasirto. Ereygadan uu Steve Jobs ku macneeyeyna ay ahaayeen uun kuwo ay markaas shirkaddu isku xayeysiinaysay. Isaga oo arrintaas sii caddaynaya waxa uu sheegay xitaa qaar ka mid ah qalabyada shirkadda Apple soo saarto ee magacooda ‘i’ la raaciyey in aanay internet ku shaqayn, waxaa ka mid ah ‘iPod’ Paul Bischoff waxa uu sheegay in sababahaas awgeed la odhan karo xarafka ‘i’ keliya waa calaamad ganacsi oo ay shirkaddu sumad uga dhigto magaceeda iyo waxsoosaarkeeda.