China Oo Ogolaaday In Qoysasku Ay Dhali Karaan Saddex Caruur Ah

0
1112

Dawladda dalka China ayaa soo sartay siyaasad cusub oo qoysaska u ogolaanaysa in ay dhali karaan illaa saddex carruur ah. Siyaasaddan oo burinaysa siyaasaddii taranta qoyska ee muddada dheer dalkaas ka soo jirtay oo iyadu qoys kasta u xaddidaysay in aanay dhali karin wax ka badan laba ubad ah.

Tallaabadan oo lagu tilmaamay isbeddelkii ugu weynaa ee dawladdaasi ay mudd dheer ku samaysayo siyaasadaheeda qoyska ayaa sababteeda loo tirinayaa hoos u dhac weyn oo si lama filaan ah ugu yimi tirada dadka dalkan dunida ugu dadka badan.

Sannadkii 2016 kii ayaa ay dawladda China sidan oo kale u beddeshay siyaasadda taranta qoyska oo ay ogolaatay in qoysku uu yeelan karo laba carruur ah halkii ay markaas ka hor ahayd ilme keliya. Waxaana waqtigaas lagu tilmaamay siyaasad lagaga hortegeyo in da’da muwaadiniinta dalka ee dadka waweyn u sii badanaysaa ay sababto khataro dhaqaale. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dalka China ee Xinhua, Golaha sare ee siyaasadda dalka China oo uu madaxweyne Xi Jinping guddoominayey ayaa ballanqaaday in qoysaska saddex carruur ah dhala loo diyaarin doono hab nololeedkii u suurtagelin lahaa korinta ilmaha saddexaad oo ay ka mid tahay waxbarashada, caafimaadka iyo guryaha.

Waxa kale oo ay dawladdu diyaarisay qorshe ay dhalinyarada dalka ku barayso jacaylka iyo guurka, maadaama oo ay si aad ah u yaraadeen dhalinyarada u xiisaha qabta in ay qoysas dhistaan. Waxa aanay bilowday xaflado wadareed ay u qabanayso dhalinyarada guursata oo ay dawladdu kharashka ku baxaya bixinayso.