Weftigii Djibouti Uga Yimid Xuska Qaranimada Somaliland Oo Hargeysa Yimid Iyo Hadalka Masuulkii Hoggaaminayay

2
1040

DSC08254Hargeysa (Geeska)-Dawlada Jabuuti ayaa Somaliland u soo dirtay wafti ka koobaan siyaasiyiin iyo ganacsato oo ka qayb gali doono xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May oo ku beegan maanta, kuwaas oo shalay ka soo degay madaarka Hargeysa.

 

Waftiga ayaa waxa madaarka magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey qaar ka mida golaha wasiirada ee xukumada iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa xukumada Jabuuti uga mahad naqay waftiga ay u soo direen dalka si ay uga qayb qaataan xuska maalinta dib ula soo noqoshada madax banaanida qaranka Somaliland.

Waftigaas waxaa hor kacaayey wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga Jabuuti Md Ougoureh Kifleh Axmed, Wasiirka oo saxaafada kula hadlay qolka nasashada ee garoonka ayaa sheegay in jabuuti ahaan ay farxad weyn u tahay ka soo qayb galka xuska 18 May.

Mr Kifleh Ahmed ayaa intaas ku daray inay  tahay markii koowaad ee uu Somaliland yimaado, waxaanu uga mahad naqay xukumada sida diiran ee loogu soo dhaweeyey isaga iyo waftigiisaba madaarka caasimada.

Mr Ougoureh Kifleh Ahmed oo ka hadlaayey ujeedada socdaalkooda ayaa yidhi “Muraadkaygu wuxuu yahay in aanu ka qayb galno sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay jamhuuriyada Somaliland oo bari (Maanta) lagu soo bandhigi doono caasimada Somaliland ee Hargeysa”.

Sidoo kale wasiirkii hore ee wasaarada gaashandhiga Jabuuti wuxuu intaas ku daray in labada shicib ee Jabuuti iyo Somaliland ay yihiin laba shicib oo ay ka dhaxayso kal gacal iyo walaaltinimo waxaanu yidhi mar kale “Waxaan idiin muujinaynaa ficil iyo kalgacayl ka dhaxeeya labadeena shicib, xilkan waxaa na saaray madaxweynaha jabuuti Md Ismaacil Cumar Geele. Waxaa farxad weyn noo ah booqashadan aanu ku joogno maanta halkan iyo soo dhaweynta balaadhan ee aad noo samayseen. Aniga shaqsi ahaan waxaa farxad ii ah inay tahay markii iigu horaysay caasamida Hargeysa ee Somaliland”

Weftigan ayaa sidoo kale waxa ka mid ah guddoomiyaha Baanka Djibouti Md. Jaamac Maxamuud Xayd iyo ganacsato kale oo caan ka ah Somaliland iyo Djibouti.

Maaha markii koowaad ee sidan oo kale dawlada Jabuuti Somaliland ugu soo dirto wafti ka qayb galaha hawlaha iyo munaasibadaha ka socda gudaha dalka ee kor loogu qaadaayo qaranimada iyo jiritaanka dalka Somaliland.

Waftiga ayaa sida uu yahay qorshahoodu dalka joogi doona muddo laba maalmood ah, kuwaas oo lagu wado inay ka soo qayb galaan munaasibadaha kale ee lagu xusaayo maalinta 18 May.

Xubnaha weftiga uu hoggaaminayay Md. Ougoureh Kifleh Axmed, oo isugu jira, siyaasiyiin, ganacsato, odayaal iyo dad magac leh, waxa ay kala yihiin.

Md. Jaamac Maxamuud Xayd (Guddoomiyaha Baanka Djibouti)

Col. Maxamed Jaamac (Taliyaha ciidanka Jamhuuriga)

Xuseen Idiris Guuleed

Cali Suubane Faarax

Yaasiin Xasan Liibaan

Maxamed Idiris Saban

Aadan Cali Cabdi

Dr. Maxamed Cabdiraxmaan

Axmed Cismaan Geele

Maxamed Aw Siciid

Dalka Jamhuuriyadda Djibouti ayaa dhawaan ku guulaystay inuu qabto doorasho ay bulshadii caalamka ee ka qayb gashay ku tilmaantay inay ahayd mid xor iyo xalaal ah, waxaana doorashadaas ku guulaystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Waxa Somaliland iyo Djibouti tan iyo doorashadii Madaxweyne Siilaanyo ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan, waxaanay Djibouti ka mid tahay dalalka tirada yar ee qaaradda Afrika ee ku foogan horumarka.

 

Wargeyska Geeska Afrika

DSC08244

DSC08245

DSC08255

 

DSC08241

DSC08267

Comments are closed.