Khilaaf Ka Dhex Aloosmay Ronaaldo Iyo Mourinho Oo Laga Yaabo Inuu Keensado Iibka Ciyaaryahanka

0
1153

 

mooReal Madrid (Geeska)- Waxa mudooyinkii u danbeeyey soo baxaayey khilaafaad u dhexeeya ciyaaryahanka dunida ugu qaalisan ee Cristiano Ronaldo iyo tababarah kooxda ee Jose Mourinho.

Is afgaran waagan ayaa la sheegayaa inuu hadda ku dhowyahay inuu galaafta mid ka mid ah labadooda. Wararkii u danbeeye ee ka soo baxa dalka Spain ayaa sheegay in gudoomiyaha kooxdu ka fekerayo inuu Ronaldo ka iibiyo kooxda Manchester City oo la sheegay inay xiiso u qabto.

Hase ahaatee lacagta ay kooxda Real Madrid dul dhigatay ciyaaryahanka ayaa ah mid aad u badan oo lagu qiyaasay $250 milyan. Dhinaca kale ciyaaryahanka ayaa haatan mushahar u qaata lacag dhan 200,000 todobaakii, waxana la rajeynayaa in kooxda kale ee uu tagi doonaa ay diyaarin doonto lacag dhan 300,000.

Si kastaba ha ahaatee muranka soo kala dhex galay ciyaaryahanka iyo macalinkiisa yaa salka ku hay shaxda uu tababare Mourinho ku ciyaarsiyo kooxda Real Madrid oo uu ka biyo diiday ciyaaryahanku.

Ronaldo oo mar wax laga weydiiyey fikiirka uu ka qabo shaxda tababare Mourinho waxa uu yidhi “ Runtii kuma faraxsani laakiin waan ku khasbanahay inaan ku ciyaaro.” Hadlakan ka soo yeedhay Ronaldo ayaa si cad shaaca uga qaaday muranka laxaadka leh ee ka dhexeeya Ronaldo iyo Mourinho.

Maaha markii ugu horyesay ee tababaraha boortaqiiska ay ay murmaan mid ka mid ah ciyaaryahanadkiisa, waxa ay ahayd bilowgii horyaalka markii uu muran iyo khilaaf ba’ani soo kala dhex galay tababarah iyo ciyaaryahanka Faransiiska ah ee Benzema, kaas oo keenay in qaar ka mid aha masuuliyinta kooxdu ay la saftaan ciyaaryahanka oo ay si adag uga soo horjeestaan Mournho.

Waxa xusid mudan in Mourinho uu kalsooni buuxda ka haysto gudoomiyaha kooxda Florentino Perez, halka Ronaldo oo sanadkan jabiyey rikoodho badan oo aan qaarkood la jabin mudo 60 sano ah uu aad ugu dhow yahay Gudoomihayaha. Waxaana la odhan kara kooxda Real Madrid waxa soo waajahay xaalad cakirnaan iyo muran uu hadheeya.