Wefti Ka Socda Shirkadda Bollore Oo Hargeysa U Jooga Qorshe La Xidhiidha Maalgashiga Dekeda Berbera

28
677

Hargeysa(Geeska)-Masuuliyiin ka socota shirkadda lagu magacaabo Bollore Africa Logistics  oo ah shirkad Faransiiska laga leeyahay ayaa dhawrkii caano maal ee u dambeeyay ku sugan wadanka Somaliland.

Ujeedada weftiga shirkadan lagama hayo wax war ah, waxase la sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho maalgashi la sheegay inay doonayaan inay ku sameeyaan dekedda Berbera, waxaanay safar indho indhayn ah ku tageen dekedda Berbera. Wararku waxay sheegayaan inay doonayaan in lagu wareejiyo maamulka Dekedda Berbera si ay ugu sameeyaan maalgashi.

Hase yeeshe shirkaddan oo tan iyo 2009, hadal haysay inay maalgashi ku samaynayso dekedda Berbera, ayaan marna ka rumayn wararkaas ay faafin jirtay, waxaanay sheegi jireen inay xiisaynayaan inay maalgashi ku sameeyaan dekedda Berbera. Laakiin weli lama hayo wax ficil ah oo  dhaafsiisan wararka ay baahiso oo ay ku dhaqaaqday, waxaanay dad badani isweydiinayaan sababta ay shirkadani marna uga dhabayn la’dahay wararkaas ay warbaahinta caalamiga ah soo marin jirtay.

Shirkadan oo markii afar sanadood ka hor ay dadka Somaliland maqleen warkeeda ay soo dhaweeyaan, ayaa maalmahan u dambeeyay waxa ay dad badani su’aalo iska weydiinayaan  masuuliyadeeda iyo sida lagu aamini karo shirkadan.

Waxa la socda wakiilka Somaliland ee Faransiiska, waxaana la sheegay inay dhinac socdaan dilaaliin kale oo reer Somaliland ah, kuwaas oo shirkadda u sheegaya inay abaano uga yihiin dhinaca xukuumadda Somaliland.

Comments are closed.