Odayaal Reer Gabiley Ah Oo Cambaareeyay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirka Cadaalada

29
781

Hargeysa(Geeska)-Cuqaal iyo waxgarad ka tirsan gobalka Gabilay,ayaa canbaareeyay hadalka uu wasiirka cadaalada Md. Xuseen Axmed Caydiid, uu ku naqdiyay qaadhaan loo ururinayay dhismaha maxkamada gobalka Gabilay oo lacag loo uruirnaayay. Wasiirka cadaalada ayaa ficilkaas cambaareeyay, waxaanu u hanjabay garsooraha maxkamadda oo uu sheegay inuu guddiga cadaaladda horgayn doono.

Odaashan iyo wax garadkan reer Gabiley, ayaa sheegay in ay ka xun yahiin in wasiirku uu arintaas si xun u eego iyada oo wax lagu kordhinaayo maxkamada gobalka Gabilay oo ay sheegeen inay dayacantahay, waxaanay dhaliileen hadalada uu ku duray gudoomiyaha maxkamada Gabilay.

Odayaashan ayaa hadalkooda ku bilaabay sidan“Somaliland maanta waxii la qabanaayaba wax baa loo ururiyaa,wado ayaa la samaynayaa lacag baa loo ururiyaa,cisbitaalbaa la dhisayaa lacag baa loo ururiyaa, umaddu iyadu hadaanay isku tashan yaanu sugnaa ma Jarmal,Maraykan iyo Ingiriis,waa laysku tashanayaa,lacagta kastamka ayaanu wax ka jaraynaa,ta dadweynhaa yaanu wax ka jaraynaa,oo ta wasaaradaada ayaanu soo kala badhaynaa.”

Sida oo kale iyaga oo hadalkooda sii wata waxa uu mid ka mid ah odayaashaasi yidhi “Qofku haddaanu isagu wax qabsan cid caawinaysa ama jirto,markaas wasiirka cadaalada waxaan leeyahay labada lacagood ee loo ururinaayo wadada Ceerigaabo iyo Maxkamada Gabilay,waa isku mid labaduna waa horumar uun,waana wax dalka iyo dadka loo qabanaayo,aad baanu uga xunahay arinkaas.”

Ugu danbayntii waxa ay hadalkooda ku soo gunaanadeen sidan“Gudoomiyaha maxkamada Gabilay isagaa shaqaynaaya,mid kale haddii la keenana shaqayn maayo,sidaas ayaanu wasiirka u sheegaynaa,oo kaas ay umaddu iyo dadweynuu ay raalida ka yahiin ayaa shaqaynaaya,waa ninka kaliyaata ee arkay baahida maxkamada Gabilay.”

a

Comments are closed.