Sheekh Aadan Siiro Oo Hoggaanka Dalka Ugu Baaqay Inuu Meesha Ka Saaro Awoodaha Aan Dastuuriga Ahayn Ee Ay Bulshadu Ka Cabanayso

1
657

siiirHargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamud Xiiray (Aadan Siiro),ayaa xukuumada u soo jeediyay inay meesha ka saaraan awoodaha aan dastuuriga ahayn ee  ay dadku ka cabanayaan,isaga oo tallo ku soo jeediyay in loo sinaado hantida dalka ee la wada leeyahay iyo shaqooyinka.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynaha iyo hoggaanka dalkaba u soo jeediyay in la dhagaysto mudanta dalka,islamarkaasna aanay aqbalayn in la sharaf dilo. Waxa uu sidan ku sheegay Sheekh Aadan Siiro khudbadii salaada ciida,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Jaamacadaha ardayga ugu yar ee imtaxaan u fadhiistana ha haatee haloo sinaado waxa umadda,shaqada haloo sinaado,qandaraasyada haloo sinaado,waxa kasta oo ay dadku leeyahiin si dhex-dhexaad ah oo cad qandaraaska haloo galo,taas baanu ku waaninaynaa xukuumada jirta.”

Sheekh Aadan oo ka hadlaayay tabashooyinka xukuumada laga tirsanaayo waxa uu yidhi  “Tabashooyin badan ayaa jira,waxa wax tabanaaya hoggaanadii dalka  ee soo halgamay,waxa wax tabnaaya dad badan qiimo weyn ku leh dalka gudihiisa,madaxweynaha  iyo kooxda uu hoggaaminaayo waxaanu ku waaninaynaa inay dhagaystaan,hadii Ibraahin Dhagaweyne la dhagaysan waayo yaa la dhagaysanayaa,waa dadka dhifta ah ee ay Somaliland ku faanto,waa dadka dhifta ah ee ay Somaliland leedahay,ee maanta wanaagan aynu hayno, ee lagu ladaayo ee, lagu khamiisyo cad yahay dadkii keenay weeye,waxa lay sheegayay in caruurtiisa fiiga dirqi lagaga bixiyo,halka kuwii dadka iibin jiray ay laan garuusalada ugu cad cad iyo guryaha ugu waaweyn ay ku jiraan.waxaan uga jeedaa waa iga tilmaam Ibraahin’ee boqolaalka kale ayaa la mid ah, ma taageersanin ama Ibraahin ha noqdo ama qayrkiiye in aynu ka baxno sharciyada aynu samaysanay iyo waxa inaga dhexeeya,laakiin ma aqbalayno in qiimaha laga qaado dadka karaamada ku leh dalkan gudihiisa,hadaan iyaga la ixtiraamin ka joogaana ixtiraam-yeelan maayo,hadaan dadkeena karaamada leh la karaamayn nina la karaamayn maayo,wadaad,wasiir,madaxweyne iyo mid kale toona karaamo yeelan maayaan,maanta mid baa jooga barina mid kale ayaa jooga,waxa laga yaaba in kuwaas maanta la eryanayaa ay saadanbe yimaadaan, kelitaliska umadda ayaa abuurta,waxaan leeyahay waar sharciga hala ilaaliyo.”

Ugu danbayntiina waxa uu Sheekh Aadan Siiro Hadalkiisa ku soo gunaanaday“Awoodo aan dastuuri ahayn ayay dadku ka cabanayaan oo dalka ka jira,waxaanu leenahay waar awoodaha dastuuriga ah ee aynu ku heshiinay hala xoojiyo,awoodaha aan dastuuriga ahayn ee la samaynaayana halaga daayo.dalka wanaagiisa aynu isku kaashano,kelitaliska dadkaa abuura,magacyo aan jirin ha samaynina,awoodo aan jirin ha abuurina,qofka intiisa ha dhaafinina,qof caadiya hayska ahaado ama masuul ha noqdo ama yaanu noqone.”

Comments are closed.