Maxkamadda Sare Oo Loo Soo Jeediyey Inay Laasho Qoraal Ay U Gudbiyeen 46-ka Xildhibaan Oo Ka Mid Ah Golaha Wakiillada Somaliland

0
679

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maxkamadda sare ka codsaday inay diiddo oo aanay dhegaysan qoraal ay doraad u gudbiyeen 46 Xildhibaan oo ka mid ahaa Golaha Wakiillada, kuwaasi oo doonaya in la furo Ururrada siyaasadda isla-markaana ku doodaya in Xeerka furista Ururrada siyaasadda oo hor-yaalla Golahoodu uu dhaqan-gal yahay.

Xildhibaan Gujuure oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn ka jawaabay eedaymo uu Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadku u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxaanu yidhi “Wasiir ku-xigeenka shalay hadallo aan qaban kula hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah Masuulka saddexaad ee ugu sarreeya Waddanka, waxaan leeyahay Wasiir ku-xigeenoow waxaad garan wayday oo iskagaa khaldamay Golaha Wakiillada ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu Guddoomiyaha u yahay iyo Golaha Wasiirrada ee aad ka tirsan tahay ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Guddoomiyaha u yahay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, haddii Xildhibaannadu dhaliilayaan iyo haddii ay amaanayaan Golaha ayay u taallaa oo Annaga ayaa Arrimahayaga ka wada-hadlayna, adigu haddaad wax tilmaamayso iyo haddaad wax toosinayso waxay ahayd inaad Guddoomiyaha Golahaaga la hadasho.”

Xildhibaanku wuxuu farriin u diray Madaxweyne Biixi  “Madaxweynaha waxaan leeyahay, Mudane Madaxweyne waxaad tahay masuulkii koowaad ee Waddanka, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladuna waa Masuulkii saddexaad, in Wasiirradaadu ku soo dhaafaan oo ay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada si aan qabanin ay Saxaafadda ugala hadlaan Waddankeenana sharaf uma aha, Adigana sharaf kuuma aha, markaa waxaanu ku leenahay Madaxweyne celi Wasiirradaada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu duray Qaraarka Xildhibaannada doonaya in la furo Ururrada siyaasaddu u gudbiyeen Maxkamadda sare  “Qaraarka Xildhibaannadu geeyeen Maxkamadda sare maaha mid xeerka iyo Dastuurka Waafaqsan, nidaamka Garsoorka iyo Maxkamadahana Dacwad loogu gudbiyo ku salaysan, sababtoo ah Arjigaa Dacwadeed ee Maxkamadda sare la geeyay laguma salaynin qodobbo Sharci ah oo uu ku dhisan yahay nuxur Dacwadeed oo Maxkamaddu Go’aan ka soo saari karto oo leh Duluc Xadidan oo Maxkamaddu ka gar-naqi kartana ma lahayn, waxaanu ahaa Hadal Filiqsan oo kala daadsan oo dhinac uu u socdaba aan Cidi garanayn, qoraalkaa isaga ah waxaa lagu socodsiiyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare, qaybaha Qoraalladaas oo dhana Guddoomiyaha ayaa lagula hadlayey, sideedabana marka Guddoomiye Maxkamadeed Warqad loo qorayo laba ujeeddo ayaa loogu qoraa waa ‘Codsi ama cabasho’ laakiin Qoraalka Xildhibaannada u gudbiyeen waxay kaga hadlayeen Fasiraad Qodobbo Sharci oo Fasiraaddooda la isku hayo. Sidaasi darteed, Qadiyaddaasi wax alaale iyo wax aasaas sharci ah oo ay ku fadhidaa ma jirin, markaa Maxkamadda sare waxaan ka codsanayaa in Qoraalkii loo keenay ee ku socda Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ahaa codsi Maamul oo ay Guddoomiyahooda u qoran lahaayeen, Guddoomiyahooduna uga jawaabi lahaa inay diido inay dhegaysato.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office