“Waxaanu Indha-Indhayn Ku Samaynay 3 Miisaaniyadood 2015, 2016 Iyo 2017 Waxaan Soo Saarnay, Waxaynu Ku Bixinay Wax Aynaan U Baahnayan 75 Milyan Oo Doollar”

51
3831

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ayaa daboolka ka qaaday in miisaaniyada saddexdii sanadood ee ugu danbeeyay oo uu indha-indheeyay ay Somaliland ku bixisay wax aan baahi weyn loo qabin halka ay ka qatanaayeen wasaaradihii wax soo saarka ee dalku.

Waxa uu Maxamed Xaashi Cilmi sheegay in aan dalku u diyaar garoobin in wax soo saar la sameeyo lana fadhisiyay wasaaradihi wax soo saarka oo miisaaniyadooda laga dhigay mid aad u hoosaysa. Eng. Xaashi oo ka hadlayay shir ay aqoonyahanka takhasuska u leh Beeruhu kaga arinsanayaan sidii dalku u gaadhi lahaa isku filnaansho dhanka cuntada ah oo ay qabatay wasaaradda beeraha Somaliland, wuxuu yidhi  “Waxaynu nahay dal sabool ah,curdin ah oo aan la aqoonsan, Alle sabool inagama dhigin. waxaan idiin sheegayaa shan wasaaradood oo muhiim ah beeraha,kaluunka,biyaha xanaanada xoolaha iyo deegaanka intaas oo laysku daro wasaarada madaxtooyada ayaa ka miisaaniyad badan, markaas kumaynaan talo galin in aan wax soo saar yeelano, xoolihii waa ay inaga dhamaadeen oo waxaynu u baahanay in aynu kaluun aynu dhoofino aynu halkaas ka soo saarno, dhulal fog fog ayaa looga yimaadaa si badeena looga kaluumaysto.”

Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaanu indha-indhayn ku samaynay saddex miisaaniyadood 2015,2016 iyo 2017 waxaan soo saarnay waxa inagaga baxa waxaynaan u baahnayn, waxaynu ku bixinay wax aynaan u baahnayan 75 milyan oo doolar.”

Ugu danbayntii waxa uu yidhi “Miisaaniyadii la siiyay wasaarada beeraha sanadkii dhawaa markaad u fiirsato wax wax lagu qaban karo iyo wax wax lagu soo saari karo maaha, markaas inuu Tv-gu ka badsado maaha, in wasaarada madaxtooyadu ka badsato maaha maanta cuntadeenii ayaynu u baahanay in aynu soo saarno oo calafkii xoolahuna ay ku jiraan,waayo meel ay daaqaanba xoolii ma jirto oo waatan dhulkii la wada ootay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here