“Waxaan Leeyahay Madaxweynuhu Shantii Sanadood Ee La Doortay Ha Loo Daayo”

0
579

Picture3Hargaysa(Geeska)Sheekhul Baladka Hargaysa Sh Ismaaciil Xaaji Maxamed Aw Ciise Ayaa shalay  Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargaysa Ka Dib Markii Uu Ka Soo Laabtay Safar Muddo Qaatay Oo Ugu Maqnaa Dalka Ingiriiska .

Soo Dhaweenta Sheekhul Baladka Magaalada Hargaysa Aya Waxaa Ka Qayb Qaatay Boqolaal Dad Weyne Ah Iyo Gaadiid Aad U Tiro Badan Oo Kaga Hor Tagay Madaarka Hargaysa.

Sheekha Ayaa Markii Uu Ka Soo Dagay Garoonka Diyaaradaha Ee Egal International Airport Waxaa Dadweynihii Ka Qayb Qaatay Soo Dhaweentiisa Iyo Warbaahinta Kula Hadlay Wajahada Hore Ee Madaarka Waxaana Uu Ka Warbixiyay Safarkiisa uu ku tagay  Dalka Uk Iyo Waxyaabihii U Soo Qabsoomay Mudadii halkaasi ku Sugnaa

Sidoo kale waxaa uu ka hadley Arimo Dhowra,waxaanu ugu horeyn u Mahadceliyey Dadweynihii ka qayb qaatay Soo dhaweyntiisa.Waxaanu yidhi" Walaalayaal waan idin salamayaa marwo iyo mudane dhamaan dhalinyarada cuqaasha saladiinta aqoonyahanka culumaa u diinka iyo dhamaanba bulshada halkan igu soo dhaweesay “

Aadbaan ugu faraxsanahay walalyaal soo dhaweentiina oo aan dalkaygii dib ugu soo laabto anoo nabada waxaan u baxay khuruuj anigoo arrimo diimeed ugu baxay dalka Uk ta labaad ee aan u baxayna waxay ahayd in aan lacag u soo uruuriyo wadada salaxley tiina aan ku soo guuleestay oo qaadhaanka intii ugu horeysay la soo diray waxaan salaamayaa ururka gacan qabad iyo ururka gaaroodi .

Sidoo kale waxaa uu u mahad celiyay qurbajoogta ku dhaqan dalka Ingiriiska waxaanu yidhi “ waxaan halkan ka sheegaya in dadkii aan ka imid ay ahayeen dad wanaagsan oo dalkooda u soo boholyoobayaa oo dalkooda wax ku soo tarayaa oo dalkooda waddooyinkii u soo dhisayaa oo dalkooda qaadhaanka u quudhayaa ay yihiin “

Geesta kale sheekhul baladka magaalada hargaysa sh . ismaaciil x maxamed aw ciise waxaa uu bulshada ugu baaqay in ay nabad galyadooda ay ilaashadaan waxaanu yidhi “waxaanan leeyahay dadkeena halkan jooga aynu amniga ilaashanno oo aynu ku dadaalno sidii ay Somaliland u horumari lahayd qadiyadda Somaliland gorgortan ma lahaa “

Sheekhul Ismaaciil oo hadalkiisa si watta ayaa waxaa uu sheegay in mudadii uu madaxweynuhuu xilka hayay uu wax badan ka qabtay dalka  sida dib u dhiska madaarada iyo arrimo kale waxaanu yidhi  “ waxaan leeyahay madaxweynuhu shantii sanadood ee la doortay ha loo daayo oo waxba yaan lagu qaylqaylinin waa nin wanaagsan  wax badan ayuu qabtay madaarada isagaa dhisay waxaanan leeyahay qarankan qof waliba wuxuun buu ku tari doonaa “

Sheehk Ismaaciil, ayaa sidoo kale ka hadlay mudaharaadkii ka dhashay biyo la’aanta waxaanu ciidanka booliska u soo jeediyay in ay dadka dhibaataysan ee biyo la’aanta ka cabanayaa aanay dhibaato u gaysan waxaanu ilaahay uga rajeeyay in dadkii ku wax yeeloo bay shaqaaqooyinkii ka dhacay dalka in ilaahay caafimaad sareeca siiyo kuwii ku dhintayna ilaahay u naxariisto .