Maraykanka Oo Qirtay In Askari Ka Joogto Somaliya

0
519

Picture4Dawladda Maraykanka ayaa markii ugu horraysay qiratay in unug yar oo ciidan ah uu ka joogo Soomaaliya. Maraykanku ma sheegin tirada ciidankaasi, balse waxay sheegeen in Soomaaliya loo geeyey si ay talobixin u siiyaan ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. 

Maamulka Madaxwyene Barack Obama ayaa sheegay in ciidanka ah ka jooga Soomaaliya loogu magacdaray Unugga Iskuxidhka Hawlaha Miltariga isla markaana uu qaabilsan yahay inuu talobixin dhinaca qorshaynta, taakulaynta iyio iskuxidhka ah siiyo ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo hawlgalka midowga Afrika ee AMISOM.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in unuggaasi hawshiisu tahay kobcinta kartida ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, hawshaasi oo gacan ka gaysata dadalaka nabadaynta iyo xasilloonida ka dhalinta Soomaaliya iyo Gobolka.

Waxaase maamulka Madaxwyene Obama sheegay in unuggaasi yar uu qayb ka yahay dadaalka ballaadhan ee gacanta lagu siinayo ummmadda Soomaaliyeed sidii ay dalkooda u nabadayn lahaayeen.

Mamaamulku waxa uu sheegay in ka sokow taageeraada la siiyo AMISOM iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya dawladda Maryakanku ay ka shaqaynayso in dib loo soo nooleeyo dhaqaalaha dalka, la haqabtiro baahida bani’aadminninmo ee Soomaalida iyo in dawladda Soomaaliya dhidibada loo sii adkeeyo si u fuliso adeegyada aasaaisga ah ee dadkeeda.

Maamulka wuxuu sheegay inay ka dhursugayaan siidii ay joogitaan diblomaasiyadeed ugu yeelan lahaayeen Soomaaliya markii duruufuhu saamaxaan.

Hadalkan ayaa haddaba ka dambeeyey markii wargayska Washington Post uu daabacay in Maraykanku uu ciidan tiro yar u diray Soomaaliya markii ugu horraysay tan iyo sannadkii 1994-tii markaasi oo Maraykanku kasoo baxay Soomaaluya kadib hawlgakii dhicisoobay ee UNOSOM.