Maanso Casriga La Socota Iyo Weriye Xasan Maxamed Yuusuf

0
528

Picture2Weriye Xasan Maxamed Yuusuf oo ah Guddoomiyaha ururka SuxufiyiintaSomaliland ee SOLJA ayaa curiyay maanso cusub oo la jaanqaadaysa casriga qarnigan ee isgaadhsiinta, waxaana magaceeda la yidhaahdaa “Jawaabtii Samiira”. Maansadan ayaa waxa uu Xasan Maxamed kaga jawaabayaa Maanso uu hore u tiriyay Axmed Cusmaan Batuun oo uu ugu magac-daray ‘Laptop’. ‘Jawaabtii Samiira’waxay ku bilaabantay sidan: Niyaddiyo Quluubtaba Hardwere-ki wadilaa Adigaa khalkhaliyoo, C-da iyo D-dii Aan kugu xafidilaa Bluetooth-yadaadaa Belo soo walwaaloo Trojan-ka Daran iyo Virus miidhan geliyoo, Faylashii Kalgacalkaba Adaa Tuuree ma ogtahay . Jacaylkaagi inanyow Waxa diiddey laabtoo Kolkaan Save idhaahdaba No-bay I lleeyahay. Tan Recycle binkuna Very ease weeyoo Haddii aad ku jirilayd Restore baa ku filanoo Halkaagii ku dhigilayd. Dibindaabyadaadaa Iskiriinki demisoo Maankaygu Wiilyohow Wax Repair gareeyiyo Anti-virus Xaadhiyo Wax Scan Yidhaahdaba Markii aan ka Quustuu Formaat garooboo Sababtana adaaloo Computerkaygaas Ugu wacan Crash-kee Bal Yaad eersanaysaa Maskaxdaydii anigana Restart aan idhaahdiyo Guux hay dambeeyee Meel geriirta malahoo Rag Aaytii yaqaanoo Fix all yidhaahdiyo Injineer sameeyiyo Expert-ki joogaan Bal inay daweeyaan Ayaan hore u geeyoo Kolki lagu wareeree Loo maaro waayaa Imaaraadka loo diray Dhawaan inuu hagaagoon Internetki galo oon Emailladaydiyo Facekii ku laabtana Waan rajeynayaayoo Alle waxaan ka tuugaa Inuu ii shaqeeyaa. Error kaad I gelisaan Xal u daydayaayoo Marka aan Xasuustaba Dhanjaf baygu kaca oo Dhakadaa I faartoo Dhaayahaan wax Arag oo Dhegahaa I awdmoo Lugahaan Dhaqaaqine Fadlan waxaan ku leeyahay Flash-kaloo aad leedoo Softwere Caashaq lagu sido Inistooling-maayee Ha ii keenin Axmedoow Asxaabtaada Face-kana Aksebt ku odhan maayee Iska kay illow oo Kola haygu soo darin”