Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyada Oo Shacabka Ku Bogaadiyay Munaasibada Ciidda

0
541

Picture5Hargeysa(Geeska):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),guddoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Md:Mujaahid Muuse Biixi Cabdi,iyo guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa ay dhambaal Hambalyo iyo bogaadin ah ay u direen shacbiga reer  Somaliland iyo guud ahaanba umadda Islaamka ah meel kasta oo ay joogaanba Xuska Maalinta Ciidal Adxa awgeed.Waxaana ay leeyihiin Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr.

War-saxaafadeedyo ay soo saareen oo nuqulo ka mid ahi ay soo gaadheen  Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxaa uu u dhignaa sida tan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ugu horeyn waxaa uu shacbiga reer Somaliland uu ugu hambalyeeyey Xuska maalinta Ciidal Adxa,waxaana uu Illaahay uga baryey in ay Sanadka Sanadkiisa ay ku gaadhaan Caafimaad,Bash bash iyo Barwaaqo.Waxaana qoraal kooban oo ka so baxay aqalka madaxtooyadu u dhignaa sida tan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una dinbi dhaafo.Amiin Amiin Amiin.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxm u diray dhambaal hambalyo ah,waxaana uu dhignaa sida tan: “Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Xisbiga WADDANI ayaa waxaa uu hambalyo iyo bogaadin balaadhan uu u dirayaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba umadda Islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba munaasibada Ciidal Adxa awgeed.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu leeyahay Ciid Mubaarak,Ciidal Caafiy,Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr.

Md:Cabdiraxmaan Cirro waxaa sida oo kale uu Illaahay uga baryeyaa dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay Sanadka,Sanadkiisa ay bash-bash,barwaaqo iyo caafimaad qab ay ku gaadhaan,Inta Xanuunsanaysa ee jiiftana uu Illaahay uga baryeyaa in uu Xanuunka ka dulqaado,Caafimaadna siiyo,Sida oo kalena intii dhimatayna Alleh u danbi dhaafo una naxariisto.Amiin Amin Amiin.

Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi  ayaa isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE-ba waxaa uu isna dhambaal hambalyo ah u diray dhamaanba shacabka reer Somaliland iyo umadda Islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba,waxanaa uu u dhignaa sida tan:

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye

kulmiye wuxuu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa munaasibada CIIDAL ADXADA awgeed dhamaanba shacabiwaynaha Somaliland iyo umadda muslimiinta ah,

wuxuu alle inooga rajaynayaa inuu inaga aqbalo cibaadadii bisha Ramadan, isagoo ALLE uga baryaya inuu u naxariisto intii dhimatay inta xanuunsanaysana caafimaad dagdag ah siiyo, sanadkan kiisana bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo.Amiin Amiin Amiin.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe,Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga,iyo dhamaanba Masuuliyiinta sar sare ee Xisbiga UCID,waxaa ay iyaguna dhambaal hambalyo ah ay u direen shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan,waxaana war-saxaafadeed ay soo saaren u dhignaa sida tan:

Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Murashaxa Madaxweynaha, Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UCID,Guddoomye Ku Xigeenada Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID waxa ay Hambalyo iyo Bogaadin  u dirayaa shacbiga Somaliland (meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba), iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda  Ciida Barakaysan, ee Ciidal Adxaha  awgeed.

Xisbiga UCID waxa uu ILAAHAY uga baryay malaayiinka qof ee taagan buurta yoomal carafa ducadooda u aqbalo shacuubta islaamka. illaahayna wada jirkooda iyo nabadoodaba uu kor u qaado. Ummada Islaamka Guud Ahaan,Gaar Ahaan Shacbiga_Reer Somaliland

Xisbiga UCID isagoo shacbiga la  wadaagaya farxadda ciidda waxaan leenahay ku ciida farxad iyo caafimaad ishallah meelkasta oo aad dunida ka joogtaan.

Xisbiga UCID waxa uu  shacbiga somalilanad u rajaynayaa inay sannadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo.Amiin Amiin Amiin.”