Wax-Akhriska, Ka Shaqaynta Arrimaha Bulshada Iyo Cunto Yar Oo La Cunaa Waxa Ay Sababaan Cimridherer

44
3945

Hargeysa (Geeska)- Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato cimridhererka iyo in aynaan da’da u jabin. Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda North Western ee dalka Maraykanka ayaa baadhis cilmiya oo ay arrintan ku sameeyeen ku xaqiijiyey in hab-nololeedka qofka iyo cuntooyinka uu cunaa ay u horseedi karaan cimridherer iyo in aanay da’du fadhiisin ama sabab u noqon karaan in uu isaga da’ yar isku arko hawlgab iyo tacabka gabowga lagu yaqaanno.

Cilmibaadhayaashu waa ay tijaabo u soo qaateen dad da’doodu u dhexeyso 80 illaa 100 sano oo aan maskax ahaan lagu arkin asaasaqa iyo dhibaatooyinka gabowgu maskaxda ku keeno. Tijaabooyinka ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in dabeecada ay dhammaan dadkani wadaagaan ay tahay in ay ahaayeen dad niyadwanaagsan oo mar kasta nolosha dhinaca fiican ka eega.

Waxaa hore loo ogaa in balwadaha ay ka mid yihiin jimicsi la’aanta, cabbitaanka badan ee bunka iyo cuntooyinka dufanku ku badan yahay, gaar ahaan cuntada fudud / degdegga ah ay keenaan gabow. Waxa ay daraasaddani ku sii daraysaa in shucuurta nafsiga ah ee qofkuna ay qayb ka tahay arrimaha cimridhererka keena. Bare-sare Emily Rogalsky oo ka hadlaysa natiijadan cilmiga ah ee la helay ayaa waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Qofka oo dhinaca fiican nolosha ka eega iyo niyadsamaantu waxa ay ka mid tahay hababka ugu fiican ee uu qofku iskaga ilaalin karo niyad xumada, iyo isbedellada ka dhasha gabowga”

Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu sheegeen in qofka oo marka uu da’ noqda ku dhex jira hawlaha bulshada iyo xidhiidada kala duwan ee asxaabta iyo bulshada, iyo qofka oo si fiican u sii wada hiwaayadihiisa aan caafimaadka wax yeelayn, ay dhammaantood ka hortag fiican u yihiin dhibaatooyinka caafimaad ee gabowgu ku keeno maskaxda.

Cilmibaadhiso kale oo tiro badan ayaa iska dabamaray in dadka joogteeya dhaqdhaqaaqyada iyo hawlaha dhinaca fikirka ahi ay inta badan nasiib u yeeshaan cimridherer iyo in caafimaadka maskaxdoodu fiicnaado, sidaa awgeed ayaa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu caado ka dhigto buug arkhriska, gaar ahaan buugaagta maskaxda ku qasbaya in ay fikirto oo ay su’aalo is weydiiso, ama waxyaabaha qaar sida ay ku dhaceen ka fikirto. Fikirkaas iyo dhaqdhaqaaqaas shaqo ee maskaxdu samaynayso ayaa ah jimicsi maskaxda ka ilaalinaya raadadka ka dhasa gabowga. Ugu dambayntii waxa ay khubaradu sheegeen in dadka iska ilaaliya cuntada badan, ay u horseeddo cimridherer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here