Sida Ay Bulshooyinku U Kala Hurdo Badan Yihiin Iyo Dalalka Ladan Oo Ka Hurdo Badan Kuwa Faqiirka Ah

88
3422

Cilmibaadhayaal ku xeeldheer cilmiga deegaanka ayaa sahamin ay sameeyeen ku ogaaday bulshooyinka dunidu sida ay u kala hurdo jecel yihiin. Cilmibaadhayaashan ayaa ogaaday in saacadaha hurdo ee bulshooyinka dunidu ay kala duwan yihiin, inta badanna ku xidhan yihiin heerka nololeed ee dawlad kasta ka jirta.

Cilmibaadhayaashan ayaa intii ay daraasadda wadeen adeegsaday barnaamij lagu magacaabo “Sleep Cycle’ oo ah hab lagu ogaado heerarka hurdo ee kala sarreeya. Si ay u ogaadaan hurdada bulshooyinkan kala duwan iyo sida ay u kala hurdo jecel yihiin. Waxa ay xeeldheereyaashu ogaadeen in bulshada New Zealand ay yihiin kuwa ugu hurdada badan dunida, kaddib markii ay u soo baxday in celcelis ahaan qofka reer New Zealand uu habeenkii seexdo 7 iyo 40 daqiiqo. Bulshooyinka dalalka Holaand, Finlaand, Ustareeliya iyo Ingiriisku ay ka mid yihiin shanta dal ee ugu horreeya dunida oo dhan dhinaca hurdada. Dalalkan ayaa celcelis ahaan ay dadkoodu habeenkii seexdaan waqti in yar ka badan 7 iyo badh.

Dadka Ruushka ayaa inyar ka hurdo yar dadka dalalka Yurub ee ay oodwadaagta yihiin. Waxa aanay celcelis ahaan dadka Ruushku habeenkii seexdaan 7 saac iyo 10 daqiiqo. Dadka Jabbaan, Kuuriyada Koonfureed, iyo boqortooyada Sucuudiga ayaa noqday bulshooyinka darajada labaad laga jiray hurdo badnaanta adduunka. Bulshooyinkan ayaa celcelis ahaan maalintii habeenkii seexda 6 iyo badh saac.

Marka saacadaha hurdo ee bulshooyinka adduunka si guud loo eegana, waxa ay cilmibaadhayaashani sahamintan ku ogaadeen in celcelis ahaan saacadaha bulshooyinka adduunku seexdaan ay yihiin 7 saac iyo 12 daqiiqo. Waa marka kuwa saacadahan ka badan iyo kuwa ka yar la isku celceliyo.

Waxa kale oo ay cilmibaadhayaashu ogaadeen in marka ragga iyo dumarka adduunka la isbarbardhigo dhinaca hurdada, ay raggu ka hurdo yar yihiin dumarka, laakiin ay 20 daqiiqo oo keliya ka yar yihiin, waxa kale oo ay ogaadeen in raggu ay habeenkii hurdada ku hadraan ama ku hadlaan in ka badan dumarka. Ugu dambayntii waxa ay cilmibaadhistani ogaatay arrin aan hore lidkeeda la aaminsanaa, oo la xidhiidha sida ay u kala hurdo badan yihiin bulshooyinka dunida horumartay iyo kuwa dalalka soo koraya. Si ka duwan sidii hore loo aaminsanaa, ayaa ay daraasaddani tilmaamtay in dadka dunida horumartay ay ka hurdo badan yihiin kuwa la midka ah ee dunida soo koraysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here