Hargeysa(Geeska):-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo wasiirkii hore ee wasaarada xanaanada xoolaha Dr:Cabdi Awdaahir uu xilka wasaaradasi ugu wareejinaayey wasiirka cusub ee loo soo magacaabay wasaaradaasi Md:Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa shalay ka qabsoontay hotel Safari ee magaalada Hargeysa.
Waxaana ka soo qayb galay wasiirkii hore ee wasaaradaasi, wasiirka cusub, wasiiru dawlihii hore, wasiir ku xigeenka cusub, agaasimaha guud, shaqaale waynaha wasaarada iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.
Agaasimaha Guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr.Jaamac Maxamed Odowaa oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa waxaa uu si aada ugu dheeraaday waxyaabihii ka wasaarad ahaan u suura galay mudadii ay xilka hayeen, waxaana uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan ay si niyadsan u sagootinayaan wasiirkii hore halka ay sida oo kalena si fiican u qaabilayaan soona dhawaynayaan wasiirka cusub ee xanaanada xoolaha Somaliland.
“Waxqabadka ay gaadhay wasaarada xanaanada xoolahu waxa ugu wayn dhismaha ay Hada Gasho taas oo ay ku baxeen boqolaal kun oo dollar,waxaa ka mid dh tiimam isku xidhan oo layidhaa Mobile Teams kaas oo u baxa gobolada dalka runtiina loo eego dalalkan Africa ee inagu xeeran aanay jirin tiimam isku xidhan oo gaadha gobolada dalka soona dhaweeya xoolaha.”Ayuu yidhi Dr:Jamaac Maxamed Odowaa.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay wasiiru dawlihii hore ee wasaarada xanaanada xoolaha, waxaana uu sheegay uu aad ugu faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo wasiirka cusub ee wasaaradaasi loo soo magacaabay. Iyada oo halkaasina uu sida oo kale wasiir ku xigeenku ka mahad celiyey sida fiican ee xilka loogu wareejiyey.
Wasiirkii hore ee wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Md:Cabdi Aw Daahir Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaarada xanaanada xoolaha uu gaadhsiiyay meel aad u saraysa, waxaana uu faah faahin ka bixiyey waxyaabihii u suurta galay muddooyinkii uu halkaasi shaqada ka hayey.
“Mudane wasiir waxaan Maanta kuugu wareejinayaa wasaaradda xanaanada xoolaha oo ah wasaarad lafdhabar u ah dhaqaalaha dalka waa wasaarad maanta ay u dhantahay dhamaan adeegyadii ay ku hawlgalaysay ee lahaa dhismayaal, shaqaale, qalab, shuruuc, Somaliland-na inta badan dhaqaalaheedu wuxuu ku xidhan yahay xoolaha nool 70% shaqaalaheenu waa Ku xidhan yihiin xoolaha 60%, GDP waa xoolaha iyo 85% lacagta inaga soo gasha waxaynu dhoofino waxay ka timaadaa xoolaha.”.Ayuu yidhi Cabdi Aw-daahir.
“Mudane wasiir waxaanu kugu wareejinayaa 335 shaqaale oo 30 yihiin 2015 . 195 shaqaalahaa ka mid ah waxaa la qoray intii dawlada xisbiga Kulmiye talada dalka la wareegtay oo ka Badan shaqaalihii ee 20kii sanadood oo dhamaa 140 kaliya una badnaa hawlgab. waxaan ka duulaynay siyaasadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee ah kor u qaadidda shaqo abuurka iyo daryeelka xoolaheenna. Shaqaalahaas 80% waa dhakhaatiir xoolaha ah oo ka soo qalinjabiyay jaamacadda Burco, dugsiga xoolaha ee Sheekh iyo jaamacadaha Itoobiya. Maanta inta badan gobolada dalka waxaa ka hawlgala dhallinyaro jaamiciyiin ah oo u heegan ah daaweynta iyo daryeelka Xoolaha.”.Ayuu yidhi Dr:Cabdi Awdaarhir.
Ugu danbayntiina waxaa halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey wasiirka cusub ee wasaarada xanaanada xoolaha Cumar Sheekh Maxamed Faarax, waxaana uu ugu horeyn u mahad caliyey madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Siilaanyo, waxaa kale oo uu ka codsaday bulshadiii ka soo qayb gashay madashaasi in ay Illaahay uga baryaan in uu xilkaas ku asturo, isaga oo sida oo kalena mahad celin balaadhan u jeediyey wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha halka uu soo gaadhsiiyey wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland.