Hargeysa: 23 Sannadood Ka Hor Iyo Saaka Oo Kale, xog Warankii Mujaahid Xassan Ganey

0
1146

 

snmHargeysa (Geeska) Maantaoo ay taariikhdu tahay 31-May waxa ay ku beegantahay 31kii May,1988, taas oo ahayd maalintii ciidamadii Mujaahidiinta ahaa ee SNM goor saq dhexe ah ka dhex hilaaceen gudaha Magaalda Hargaysa oo ay ku sugnaayeen ciidamadii Maxamed Siyaad Barre. Si kale haddii loo yidhaahdo waa sannad guuradii  saddex iyo labaatanaad ee ka soo wareegtay gudo galkii SNM ee magaalada Hargeysa.

Weerarkaas ciidamada SNM ku soo qaadeen ciidamadii Maxamed Siyaad Barre waxa uu dhacay goor habeenimo oo xalay oo kale ah  oo inta badan dadka reer Hargaysa hurdeen, waxaana mar kaliya lagu baraarugay dayaanka rasaasta iyo hilaaca hubka la isku ridayay ee ka baxayay Magaalada.

Ciidamadii SNM oo aanay islahayn cududooda ciidan iyo niyad wanaagoodu waxa ay si badheedh ah weerar ugu qaadeen xarumihii Fadhiisimadii ciidamada sida taliska qaybta 26-aad, gaaskii 2-aad ee Birjeex iyo guutada taangiyada,waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo fooda la isdaray.

Weerarkaas ciidamada SNM ku soo galleen gudaha Magaalada Hargeysa oo qayb ka ahaa hawlgul ciidamadii SNM ku soo galleen gudaha magaalooyinka Somaliland, waxa uu noqday habeen naanayso u baxaan  qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii sare ee Ciidamadii Maxamed Siyaad Barre, sida Taliyihii Qaybta 26aad ee ciidamadii Soomaaliya Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo loogu magac daray Cabdi Bile oo ahaa orodyahan Soomaaliyeed oo caan ahaa, taas oo macnaheedu ahaa in Gen. Morgan cagaha wax ka dayay cabsi darteed, isaga oo haleeli waayay inuu kaxaysto baabuurtiisii faraha badnayd ee hogganayay hareerihiisa, waxaana habeenkaas xabadii u horaysay ku riday taliska Qaybta Gaadhi uu saarnaa Qori” Grand B” ah, oo uu waday Mujaahid la odhan jiray Caqaar.

Intii aanay SNM soo gelin gudaha magaalada Hargeysa shan maalmood ka hor, waxa ay Hargeysa u soo direen koox sahan ah oo tiradoodu ahayd 18 xubnood, waxaana sahankaas watay Mujaahid Gacmo-dheere, Alle haw naxariiste, waxaanay 18-kaas Mujaahid ka hawl galleen gudaha iyo daafaha magaalada Hargeysa iyaga oo ku sugnaa tan iyo maalintaas 31 May ee ay SNM soo gashay gudaha Hargeysa. Waxa 18-kaas mujaahid ka mid ahaa Mujaahid Cali Gurey oo hadda ka tirsan xisbiga  UDUB.

Ciidamada SNM ee Hargeysa soo galay waxa ay tiradoodu qiyaastii ahayd  ugu badnaan  ilaa 1200 oo mujaahid oo u badanaa dhallinyaro rag ah, dumarna waa ku jireen, waxay ahaayeen naftood hurayaal doonayey in ay u badheedhaan cudud ka mid ah ciidammadii ugu xooga badnaa Afrika. Ciidamadaas SNM ee Hargeysa soo galay waxa ka mid ahaa rag dhallinyaro ah oo u talaabay ka qayb galka halgankii SNM, ka dib markii ay u adkaysan waayay dulmigii iyo dhibaatadii dawladii Siyaad Barre ku haysay gobaladii Waqooyi.

Hawlgalkaas ciidamada SNM ku soo galleen Hargeysa waxa hoggaaminayay saraakiil Milatari oo ay ka mid ahaayeen Ibrahim Dhegaweyne, Muuse Biixi Cabdi, Dayib Gurey, Cabdiraxmaan Aw Cali, Cabdiraxmaan Xuunsho, Axmed Dhagax, Aadan Cadde, Maxamed Cilmi Samatar iyo mujaahidiin kale.

Habeenkaas iyo sidii wax u dhaceen waxa Geeska Afrika uga sheekeeyay Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle  (Xasan Ganbey) oo ahaa taliyihii gaadiidkii habeenkaas Hargeysa soo galayay  kana mid ahaa  dhallinyaradii Mujaahidiintii ahaa ee magaca weyn ku lahaa halgankii ururkii SNM kula jiray dawladii Maxamed Siyaad Barre. Waxaanu ku bilaabay hadalkiisa:-

“Saddex kun (3000) oo askari ayaanu ahayn oo waxaanu ku talo galnay in dhamaantayo aanu midh naga soo noqon, laakin dadka mustaqbalka leh ay la wareegaan aayahooda aanu dhex keenay, kaas ayuu ahaa go’aan-kaygu. Markii uu go’aanki sidaas noqday waa loo diyaar garoobay maanu hayn rasaas, shidaal iyo wax kasta oo aadami ku dagaal galo. Itoobiya way naga xidhatay, waxaanu go’aankeedu ahaa ka soo guura halka aad joogtaan 15km oo qaarna Xarshin ha yimaadaan qaarna Gaashaamo.

Si dublumaasiyadeed ayaanu ula dhaqanay oo kamaanan hor iman ilaa intii aanu hawlahayga abaabulanaynay si aan la iskugu dhicin ayaanu kala meer meernay. Go’aankii ugu danbeeyey markaanu gaadhnay ayaanu rasaas iyo shidaal weynay oo ciidankii beri halkooda ayaa la iskugu geeyey kuwii galbeedna dhankooda ayaa la iskugu geeyey, wax aanu ku dhaqaaqno ayaanu weynay mar labaad. Go’aankii ugu danbeeyey wuxuu noqday in nin waliba wixii uu markaas hayey uu ku dagaal galo.

Markaas anigu waxaan ahaa taliye ciidan oo masuul ka ah gaadiidkii xiligaas Hargeysa soo galaayey. Gaadhi kasta rasaasta ku jirtay waxayd ahayd laba boqol ilaa saddex boqol oo xabadood, gawaadhi waxaas xamilaayey may ahayn oo rasaasta way shubaayeen. Anigu Xassan ahaan waxaan watay lixdan midh oo kaliya, waxaanan ahaa ninka ugu rasaasta badan. Shiidaalna haba sheegin labaatan labaatan ayaanu kaga soo shubnay meel la yidhaahdo Bali-Samatarwaxaana naga go’naa inay Hargeysa ku wada goostaan, kumaanan tala galin inuu gaadhi iyo bili’aadan midna noo soo noqdo ee waxaanu ku talo talnay in aanu Hargeysa ku wada qaraxno dhammaantayo.

weynay, waxaanu dib isku hel helnay maalin toddobaadii. La Soco cadadka dambe xog waranka Mujaahid iyo dagaalkaas Hargeysa ka dhacay