Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Oo Ka Qayb Galaya Shir Ay Koonfur Afrika Ku Martiqaaday

0
716

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirka macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay inuu dalka Koonfur Afrika kaga qayb galayo shir caalami ah oo lagaga hadlayo wax soo saarka iyo arrimaha shidaalka.

Wasiir Ducaale, oo shalay intii aanu dalka ka ambobixin saxaafadda u waramay, wuxuu sheegay inay dawladda Koonfur Afrika martiqaad rasmi ah u soo dirtay dawladda Somaliland, isagoo sheegay inay Somaliland shirkaas ka jeedin doonto khudbad.  “Maanta [shalay] waxaan u ambo-baxayaa dalka Koonfur Afrika oo aanu kaga qayb-galayno shir caalami ah oo lagaga hadlayo wax soo saarka iyo wax ka qabadka shidaalka qaaradda Afrika, waxaanu shirkaasi ka dhacayaa Magaaladda Cape-town ee Koonfurka Afrika, waxaanu soconayaa shan maalmood.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu raaciyay  “Waxa aanu marti-qaad ka helnay dawlada Koonfur Afrika, waliba waxaanu ka mid nahay wadamada ka hadlaya, arintaasina magaca Somaliland oo saddex shirkadood dhawaan baadhitaan shidaal ka bilaabayaan aad ayay kor ugu qaadaysaa, waxaanad moodaa inaynu dedaal weyn ka samaynay shidaal sahaminta, waxaanan rajaynayaa inaynu ku darsano dawladaha Afrika ee shidaalka laga baadhayo.”

 Guddoomiyaha guddiga khayraadka ee golaha wakiilada Md. Siciid Cilmi, ayaa dhawaan sheegay inaanay shirkadaha shidaal baadhista la saxeexday xukuumadda Somaliland aan weli loo soo gudbin golaha wakiilada si ay u ansixiyaan, waxaanu sheegay inaanay sharciyada shirkadahaasi weli dhammaystirnayn tan iyo inta golaha wakiilada laga horkeenayo si ay uga doodaan.