Koonfurta Suudaan Oo Sheegtay Inay Wada Hadalo Nabadeed U Furayso Itoobiya Iyo Ereteriya

0
725

 

Picture2Juba(Geeska)-Dawladda Koonfurta Sudan, oo ah dalka ugu da’da yar qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqday inay maanka ku hayso inay dhexdhexaadin ka dhex bilowdo labada dal ee Itoobiya iyo Ereteriya oo ay colaad ba’ani ka dhaxayso.

Wasiirka arrimaha dibadda ee koonfurta Sudan Mr. Deng Alor, ayaa laga soo xigtay inay dawladiisu diyaar u tahay inay bilowdo dhexdhexaadinta labadaas dal ee ku wada yaala gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay inay dawladda Ereteriya muujisay inay diyaar u tahay in khilaafka xuduudeed ee u dhexeeya iyada iyo Itoobiya lagu dhameeyo wada hadal iyo miiska dushiisa. Laakiin ku simaha wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Birhane oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsadya inuu ka hadlo. Hase yeeshe  wasiirka khaarajiga ee Koonfurta Sudan ayaa la sheegay inuu la kulmay masuuliyiin Itoobiyaan ah.

Dawladda Koonfurta Sudan ayaa marka ay hesho taageerada labada dawladood ee Itoobiya iyo Ereteriya waxa ay soo saari doontaa codsi rasmi ah oo ay ku dalbanayso dhexdhexaadinta labada wadan.

Labada dawladood ee Itoobiya iyo Ereteriya ayaa sannadkii 1998-2000 ku dagaalamay xuduudka labada dal, waxaana dagaaladaas ku dhintay in ka badan toddobaatan kun oo ruux, waxaanu wada hadalka ay Koonfurta Suudaan hidistay ku soo beegmayaa iyadoo ay Addis Ababa dhawaan heshiis ka dhex abuurtay Koonfurta Sudan iyo dawladda Suudaan oo uu iyagana dagaal dhex maray.