Wasiirka Maaliyadda Oo Xisaab Xidhyada Ku Baaqday Xukuumadda Iskaga Riixay Xisaabiyaha Guud

1
641

Picture5Hargeysa (Geeska) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay su’aalo ku taxaluqa Odoroska Miisaaniyad Sanadeedka 2014-ka waydiiyey Wasiirka Wasaaraddaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hor tagay.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Wasiirka u soo bandhigay su’aalo door ah oo ku xidhiidhsan Miisaaniyadda sanadka fooda inagu soo haya ee 2014-ka, taasi oo dhan212 Milyan oo doolarka Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa kale oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey xisaab xidhyadii sanadihii u dambeeyay, taasi oo aan ilaa hadda Mudanayaasha Golaha wakiilada loo soo hor dhigin.

Wasiirka oo ka jawaabaya su’aal xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ka waydiiyey sababta Golaha wakiilada loogu soo gudbin waayay xisaab xidhyadii sanadihii u dambeeyay ayaa ku jawaabay “Golaha Wakiiladu waa inay xiligan oo kale hayaan xisaab xidhkii 2012-ka oo la horkeenaa, sanad walba waa sanadkii ka horeeyay (Xisaab xidhkiisii) la helaa bisha April, inkasta oo Wasaaradda Maaliyadda uu ka madax-banaan yahay xisaabiyaha guud haddana xogta dhabta ah ee aanu annagu hayno waxa weeyaan wax xisaab xidh ah oo Wasaaradda Maaliyadda ku dambeeyaa ma jiro haddii ay tahay 2010,2011,2012 intaba, waxa kaliya ee nagu hadhsani waa xisaab xidhka sanadka aynu ku jirno ee 2013-ka, oo sida sharcigu qorayo idiin iman doonta bisha April 2014-ka”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in deeqaha Somaliland dibada ka hesho iyo dakhliga soo gala hay’adaha madaxa-banaan aanu ku jirin dakhliga xukuumadda “Deeqaha dibada inooga yimaada iyo dakhliga hay’adaha madaxa-banaan soo galayaa kuma jiro ka xukuumadda ee kuma jiraan ee wuxuu ka jiraa dhakhliga ka hay’adaha, macnaha ka dawladda guud ahaan wuu ku jiraa, laakiin ka ka qasnada xukuumadda kuma jiro” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in cashuur dhimista ay sameeyaan ay sababto in alaabooyin aan la cashuuri jirin la cashuuro “Cashuur dhimista aanu samaynaa waxay keentaa in alaabooyin badan oo aan siyaabo kala duwan loo cashuuri jirin la cashuuro oo dakhli badan oo lumi jiray uu si toos ah u xeroodo, waxyaabahaana waxa mid ah kala wareejinta baabuurta waaweyn oo kale”

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu sheegay inay markii u horeysay sanadka ay kordhiyeen bajadka badhasaabada gobollada Somaliland  “Sanadka markii u horeysay waxaanu kor u qaadnay Miisaaniyadda badhasaabada Gobollada oo aanu u arkaynay inay hawl culus hayaan bajadkooduna yar yahay, si toos ahna waxaanu u kordhinay Miisaaniyaddooda” ayuu yidhi.

Dhanka kale, Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo matalaya xildhibaanada golahaasi ayaa shalay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale guddoonsiiyay shahaado hawl-karnimo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo shahaadadan guddoonsiiyey wasiirka, ayaa sheegay inay shahaadadan ku maamusayaan, maadaama oo uu labadii Miisaaniyad sanadeedka 2013-ka iyo 2014-ba uu Golaha wakiilada hor geeyay muddo dhowr bilood ka horeysa xiligii caadigaa ee loo asteeyey, taasina tahay hawl-karnimo mudan in lagu amaano oo lagu dhiirigaliyo.

Comments are closed.