Maxkamadda ICC Oo Amartay In La Xidho Weriye Kenyan Ah

8
523

Picture4Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee Hague ayaa amar in lagu soo xidho ah u jartay weriye Kenyan ah oo loo haysto in uu isku dayay in uu faragalin dacwad ka dhan ah madaxwayne ku xigeenka dalka William Ruto.

Madaxa dacwad soo oogayaasha maxkamadda ICC Fatou Bensouda ayaa sheegtay in ay jirto cadayn ay u hayaan in Walter Barasa uu isku dayay in uu laaluusho markhaatiyaasha si uu uga dhaadhiciyo in ay joojiyaan markhaati furka.

William Ruto ayaa saaray maxkamadda Hague oo loo haysto in uu kiciyay rabshadihii ka dambeeyay doorashooyinkii sanadkii 2007.

Madaxa dacwad soo oogayaasha ayaa sheegtay in ay jiraan koox dad ah oo isku dayay in ay majaxaabiyaan dacwadda ka dhanka ah Mr Ruto. Mr Barasa ayaa u sheegay BBC in uu diyaar u yahay in uu cadeeyo in aanu  dambi lahayn.

Comments are closed.