Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Raysalwasaaraha Turkiga Ahmiyada Kulankooda

1
552

Picture7Istanbul(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay kulan la yeeshay raysalwasaaraha Turkiga Mr. Tayib Erdogan, waxaanay ka wada hadleen dhawr arrimood oo kala duwan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Telefishanka qaranka u sheegay inay kala hadleen sidii uu Turkigu Somaliland uga caawin lahaa dhinacyo kala duwan oo isugu jira arrimaha bulshada sida dhismaha waddooyin kala duwan oo ay dadka Somaliland aad ugu baahanyihiin. Waxaanu wasiirku intaas raaciyay inuu Madaxweyne Siilaanyo u sharaxay raysalwasaaraha Turkiga Somaliland iyo waxyaabaha kale ee ay u baahantahay in laga caawiyo. Meelaha uu Madaxweynuhu sida gaarka ah u taabtay in wax lagala qabto waxa ka mid ah dhaqaalaha, waddooyinka sida jidka Ceerigaabo, jidka Wajaale, laydhka, dekedaha, waxbarahada iyo caafimaadka, waxaanu sheegay inay dawladda Turkigu soo dhawaysay soo jeedimaha uu Madaxweynuhu u bandhigay.

Sidoo kale, wuxuu wasiirku sheegay inay ka codsadeen dawladda Turkiga inay diyaaradoodu timaado Somaliland. Waxaanu ugu dambayn sheegay inay dawladda Turkiga ku martiqaadeen inay safar ku yimaadaan Somaliland.

Comments are closed.