Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Ka Hadlay Ahmiyada Adeega Boosaha Oo La Bilaabay

0
599

Hargeysa (Geeska)- Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr.Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa sheegay inay Somaliland xaq u leedahay inay yeelato wax kasta oo uu leeyahay dalalka aqoonsiga haysta, waxaanu ka hadlay faa’iidada ay leedahay Boostii ay dhawaan Caasimadda ka fureen, isagoo xusay inay qorshahana ugu jirto sidii Gobolada kale ee dalkana looga sameeyn lahaa Booso.

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr.Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Boostani waxay hor u dhac u tahay waxyaabo badan oo aanu Xukuumad ahaan soo wadno, oo wax tar inoo leh, Boostana waxay inaga caawin doonta inaynu kaga maarano waxyaabo badan oo inoogu jiray kaalintii Boosta, kolay imika Caasimadda ayeynu ku tijaabinay oo laga sameeyey, Goboladeena kala duwan ee dalkana weynu ku yeelan doona mustaqbalka haddii Rabi ogolaaado, inkasta oo miisaaniyadeenu kooban tahay, ”.

Mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa yidhi “Inaynu Somaliland ahaan la jaanqaadno horumarka caalamka ka socda, oo doorkeena ka qaadano, waa Siyaasada Xukuumaddeena, maxaa yeelay waxaynu nahay dal jira, oo ka mid ah Beesha Caalamka,  haddii ay tahay Boos, haddii ay tahay Internet iyo haddii ay tahay wax walba oo uu leeyahay dal la aqoonsan yahay xaq baynu u leenahay inaynu helno, dabcan Xukuumadduna dadaalkaas wey wadaa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here