Dawladda Maraykanka Oo Farmaajo Culays Ku Saartay Inuu Telefoon Kula Hadlo Uhurru Kenyatta Oo Uu Xaaladda Dejiyo

0
592

Hargeysa(Geeska/Daily Nation)-Dawladda Maraykanka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya cadaadis ku saartay inuu telefoon u diro dhiggiisa Kenya Uhurru Kenyata si loo dejiyo xiisada ka dhex istaadhan labada wadan.

Wargeyska Daily Nation ee Nayrobi ka soo baxa ayaa qoray in Telefoon uu u diray Farmaajo dhigiisa Kenya uu sababay cadaadiska Maraykanka.

Maalin ka dib markii ay dawladda Kenya ku eedaysay inay Soomaaliya ku soo duushay Kenya oo ay xuduudeeda ku soo xad gudubtay ayaa dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay telefoon ku wada hadleen isfahamna ku gaadheen in si wada jir ah loo qaboobiyo xiisada, lagana shaqeeyo sugidda nabadgelyada.

Madaxtooyada Soomaaliya may sheegin cidda telefoonka dirtay, laakiin wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ahaa qofka telefoonka ku horeeyay ee la hadlay Madaxweynaha Kenya, ka dib markii uu Maraykanku cadaadis saaray.

Dawladda Kenya wax war ah dhankeeda kamay soo saarin wada hadalka telefoon ee dhex maray labada madaxweyne.

Xiisadda labada dal ayaa sii korodhay kadib markii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ay Isniintii ku dagaalameen magaalada Beled Xaawo ee xuduudda ku taalla, iyadoo la sheegay in ciidamada Jubaland ay u carareen xuduudka Kenya.

Geesta kale xildhibaano Kenya u dhashay oo Soomaali ah ayaa iyaguna socdaal qarsoodi ah ku tagay Muqdisho iyagoo kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here