Wasiirka Hawlaha Guud Oo Soo Saaray Amar Joojin Dhul Oo Ay Su’aalo Ka Dhasheen

1
3757

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa toddobaadkan soo saaray wareegto uu warbaahinta qaarkeed ka sheegay oo uu nuxurkeedu ahaa joojin dhul uu sheegay in si sharci darro ah lagu dhisanayo.

Wasiir Khaliif, amarka uu soo saaray wuxuu ku cuskaday digreeto uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaray kal hore oo uu ku mamnuucay ku tagrifalka hantida ma guurtida ah oo ah guryaha iyo dhulka dawladda. “Waxa la joojiyay dhismaha dhulka shacabka iyo guryaha dawladda ee aan dawladu gacanta ku hayn. Waxa reeban in magdhaw la siiyo cid kasta oo dhisatay dhulka dhismaha ka caagan (Dhulka danta guud ah, dhulka shacabka, dhulka garoomada diyaaradaha ku gedaaman, dhulka xeryaha ciidamada, iskuulada iyo garoomada ciyaaraha) mudadii ka dambaysay wareegtada Madaxweynaha ee ay sumadeedu ahayd No. 004/2003).” Sidaas ayuu Madaxweynuhu ku yidhi digreetadiisa uu wasirka hawlaha guud wakhtigan tixraacayo. Marka ay sidaas tahayna wuxuu amarka wasiirku khuseeya xataa guryaha waaweyn ee bilicda leh ee labadadii sanadood ee u dambeeyay laga qotomiyay dhulkii dawladda ee Hargeysa, haddii ay sidaas tahayna waa go’aan halistiisa leh oo waxa adag in wasiirku bixiyo amar lagu joojinayo sharciyada dhisme ee guryahaas ay hantida badani gashay. Haddiise aanu wasiirku u jeedin in guryahaas sharciyadooda la laalo, waxa ay su’aashu tahay wasiirku ma wuxuu u jeedaa cid gaar ah.?

Sida ay ilo xogogaali sheegeen wasiirku wuxuu amarkiisan qoraalka ah gundhig uga dhigay saddex dhisme oo dad danyar ah laga siiyay dhulka shacabka, mana aha go’aankiisu mid si dhab ah uga turjumaya digreetadii Madaxweyne Siilaanyo, sababtoo ah digreetada Madaxweynuhu way ka sal balaadhnayd qoysaska kooban ee uu Wasiirku amrayo in dhulka la siiyay laga horjoogsado. Haddii ay sidaas tahayna macnuhu kama foga miskiin baa misko la fuulo leh.

Si kastab ha ahaate qoraalka ka soo baxay Wasiirka hawlaha guud, waxa ku gedaaman su’aalo badan oo loo baahanyahay in wasiirku bulshada uga jawaabo, sida ma waxa lala noqonayaa sharciyadda dhammaan daaraha dhulka dawladda laga  dhisay wixii ka dambeeyay sannadkii 2003, sida ay digreetada Madaxweynu sheegtay.?

Comments are closed.