Burco: Xildhibaano Abaabulaya Mooshin Ka Dhan Ah Maayarka Magaalada

0
541

Picture2Burco(Geeska)-Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Burco, ayaa abaabulaya mooshin ka dhan ah maayarka magaaladaas Md.Maxamed Yuusuf Muraad , kaas oo salka ku haya khilaaf golaha ka dhex jira.

Xildhibaano dhawr ah ayaa la sheegay inay ku gudo jiraan diyaarinta mooshinkan oo la sheegay inay saxeexeen ilaa 7 mudane. Ujeedada mooshinkan ayaa ah sidii codka kalsoonida ay ugu qaadi lahaayeen maayarka Burco, oo la sheegay inay ku eedaynayaan iskaraab iyo gaadiid ay dawladda hoose lahayd oo uu xaraashay. Maayarka oo aanu isku daynay inaanu mooshinkan iyo eedaymahan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Hase yeeshe warkan ayaa la filayaa haddii ay mudanayaasha moshinka wataa xoogaystaan inuu si dhab ah banaanka ugu soo baxo Sabtida maanta.